Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu maanta ka gudoomay warqadihii aqoonsiga safiirnimo ee safiirka cusub ee uu dalka Japan usoo magacawday Soomaaliya.
Munaasabad gaabnayd oo ka dhacday Villa Somalia ayuu madaxweyne Xasan Sheekh warqadihii safiirnimada kala wareegay safiirka dalka Japan uu usoo magacawday Soomaaliya.
Dalka Japan ayaa waxa uu kamid yahay dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya ayada oo ay dowlada Japan dhaqaale badan ku bixiso howlaha gar gaar ee Soomaaliya.
Sidoo kale dhawaan ayay dowlada Japan khalab iyo gaadiid ugu deeqday ciidamada booliska Soomaaliyeed ayada oo ay soo dhaweysay dowlada Soomaaliya arinkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay dalal 20 ah safiiro dhawaan usoo magacaabeen Soomaaliya lana filayo inay kuwo kale dhawaan soo dirsadaan safiiro u fadhin doona dalka Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com