Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay maanta u dhoofeen dalka Uganda.
Madaxweyne Xasan ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyay taliyaha ciidamada XDS, wasiiro katirsan xukuumada wakhtigeeda dhamaaday iyo agaasimaha nabadsugida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu dalka Uganda kagasoo qayb galayaa sanadguuradii 50aad ee xoriyada dalkaas isaga oo sidoo kalena halkaas kulasoo kulmi doona madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni iyo madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ku aado dalka dibadiisa isaga oo safarkiisii ugu horeeyay ku aaday magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com