LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAAKAY GAARAY LONDON. (SAWIRO)

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaanahaanba ku sugnaa magaalada Brusells ee xarunta dalka Belgium ahna xarunta ururka midowga Yurub aya saakay gaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa casumaad rasmi ah waxa uu ka helay dowlada Ingiriiska ayada oo lagu wado inuu kula kulmo magaalada London David Cameron, raisulwasaaraha dalka Ingiriiska iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada dalka Ingiriiska.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayada oo ay xaflad soo dhaweyn ah oo madaxweynaha iyo wafdigiisa loo sameynayo ka dhici doonto hool ku yaalo aaga loo yaqaano West minister Abbey ee magaalada London.

Sidoo kale waxaa lagusoo warayaa inay jiraan kooxo yar oo dowlad diid ah kuwaasoo la filayo inay ku banaanbaxaan madaxweynaha iyo wafdigiisa sidii horayba uga dhacday dalka Mareykanka markii uu madaxweynuhu booqashada ku joogay.

Kooxahaan dowlad diidka ah ayaa lagusoo waramayaa inay dadka u abaabulayaan qaab beeleed oo ay ummada Soomaaliyeed horay ugasoo daashay mudadii 21ka sano ahayd ee uu dalku kusoo jiray fawdada iyo dagaalada sokeeye.

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID