LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY MADAXDA SARE EE EU. (SAWIRO)

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaanahaanba ku jiray safaro caalami ah oo uu kula kulmayay madaxda dalalka caalamka ayaa hada waxa ay isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ku suganyihiin magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgiumka ahna xarunta midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa waxa uu la kulmay madaxweynaha midowga Yurub mudane HermanVan Rompuy oo ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo midowga reer Yurub.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada masuul ayaa uu madaxweynaha midowga Yurub sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu madaxweynaha Soomaaliya kusoo dhaweeyay xarunta midowga Yurub ee Brussels, sidoo kale waxa uu sheegay madaxweynaha midowga Yurub inay aqoonsanyihiin dowlada federaalka Soomaaliya lana shaqayn doonaan isaga oo sidoo kale sheegay inay ka taageeri doonaan Soomaaliya dhinacyada amniga, dib u dhiska iyo weliba kobaca maaliyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmay haweenayda midowga Yurub u qaabilsan arimaha dibada Catherine Ashton iyo sidoo kale masuulka u sareeya European Commission H:E Mr. Jose Manuel Barroso.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo xarunta midowga Yurub ee Brussels ayaa waxaa kamid ah masuuliyiinta ku weheliya raisalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka arimaha dibada xukuumada federaalka Soomaaliya marwo Fowziya.

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID