Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Cabdalla Gul. (Sawiro)

<

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kulan kula qaatay dhigiisa dalka Turkiga Cabdalla Gul magaalada Ankara.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay kawada hadleen arimo badan oo quseeya xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, arimaha amaanka dalka Soomaaliya, taageerada uu Turkigu siiyo dalka Soomaaliya iyo weliba sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa hay'adaha kala gedisan ee dalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah wasiirada xukuumada Soomaaliya ayada oo ay wasiirada difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkigana heshiis ku kala saxiixdeen labada madaxweyne hortooda kaasoo ku saabsan iskaashiga dhanka amaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowlada Turkiga taageerada ay u hayso dadka iyo dalka Soomaaliya ayada oo uu dhankiisana madaxweynaha Turkiga sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ummada iyo dowlada Soomaaliyeed.

home remedies for nasal congestionasan-sheekh-oo-kulan-la-qaatay-dhigiisa-dalka-turkiga-cabdalla-gul-sawiro/xasangul4/” rel=”attachment wp-att-32921″>

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.

LATEST NEWS