Madaxweyne Xasan Sheekh iyo raisalwasaare Saacid oo la kulmay madaxa hay’ada USAID.

<

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo raisalwasaare Saacid ayaa waxa ay maanta magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxa hay’ada horumarinta dibada ee dalka Mareykanka ee loo yaqaano USAID Mr. Rajiv Shah.

Masuuliyiintan iyo madaxa USAID ayaa kawada hadlay arimo dhowr ah oo quseeya dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka iyo weliba sidii ay hay’ada USAID uga caawin lahayd dalka Soomaaliya arimo dhowr ah.

Rajiv Shah, madaxa USAID ayaa waxa uu ku dhawaaqay inay hay’adiisu ku caawinayso ummada Soomaaliyeed 20 milyan oo dollar oo dhanka waxbarashada, cuna yarida iyo caafimaadka ah.

Dhankiisa madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu uga mahadceliyay dowlada Mareykanka is garab taagida dowlada Soomaaliya iyo aqoonsiga rasmiga ah ee ay u fidisay dowladiisa.

Raisalwasaare Saacid ayaa isna sheegay inay kawada hadleen Rajiv Shah caawinta dowlada Mareykanka ay caawinayso dowlada Soomaaliya isaga oo uga mahadceliyay arintaas.

Dr Rajiv Shah ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen adkeynta xiriirka ka dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya isaga oo sheegay inay tixgelinayaan meelaha ay madaxda Soomaaliya rabaan in laga caawiyo.

Kulanka dhex maray madaxweynaha iyo madaxa USAID ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirudowlaha arimaha madaxtooyada xukuumada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo safiirka dowlada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID