Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow ay ka degeen magaalada Baydhabo wefdi ay hor kacayaan madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maaxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo saraakiisha ciidamada dowlada.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyadii dowladii marxuun Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayada oo ay dadweyne fara badana iskugusoo baxeen soo dhaweynta madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com