Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayna bilaabatay wadashaqeyn iyo iskaashibuuxo.
Shir jaraa’id oo ay galabta si wadajir ah xarunta Madaxtooyada Qaranka ugu qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxa ay qeexeen in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray Mas’uuliyiinta dowladda ayna jiri doonin is khilaaf dambe.
Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn la hadlay waraabhinta ayaa tilmaamay in dowladan cusub ay tahay mid uu ka dhaxeeyo wadashaeyn ayna tahay mid ku adeegeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka Baarlamanka ayaa intaa ku daray in aan loo dulqaadan doonin waxyaabaha sharcidarada ah maadaama hay’adda sharcidajinta ah ay yihiin baarlamanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in haatan ay bilaabatay wadashaqeynti mas’uuliyiinta dowladda qof walibana lagu ixtiraamayo shaqadaasi si looga fogaado khilaaf dalkana uu u helo dowladda dhameystiran.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in ahmiyada koobaad ay siinayaan amaanka dalka si dadka ay u heleen nabadda iyo kala dambeyn lana dhisayo hay’adihii garsoorka si shacabka loogu dhaqo cadaalad.
Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ciidamada ay yihiin kuwo had iyo jeer u taagan sugida amnigooda ayna naftooda u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka sidaa dareedeedna shacabka ay gacan ka geystaan in ay farmuuqaan shaqsiyaadka wado carqalad.
Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha ciidamada iyo shaqsiyaadka lagu soo oogo dambiyada ee lagu xiro xabsiyada in aan loo sameyn doonin cafis uuna dhameysan doono mudadii ay maxkadama ku xukunta xabsiga.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com