Sunday, May 26th, 2013

Madaxweyne Xasan oo la kulmay wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub ay u soo magacaawday dalka Soomaaliya.

Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh La qaatay ambasadorka cusub ee midawga Yurub u qabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Qaranka waxaana  goob joog ka ahaa  xubna ka socday midowga yurub iyo madaxda dalka.

Kulanka  oo ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa markii uu soo idlaaday waxaa uga waramay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Xaamud Cali Maasheeye waxa uuna sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya  ay uga wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.

Michal Caravan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ugu horayntii shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay isbadelada ka dhacay dalka iyo madaxda cusub ee la doortay waxa uuna  tilmaamay in midowga Yurub ay ka go’an tahay in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya kala dhexeya midowga Yurub.

kulankan maanta uu laqaatay Madaxweynaha ambasadorka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kulamada isdaba jooga ah oo uu Madaxweynaha dalka la yeelanayo wakiilo ka kala socoday beesha caalamka kuwaas oo kala xaajoonayay isbadalka dalka, adkeynta amaanka iyo sidii ay gacan uga siin lahaayeen hormarka maadaama wadanka haatan uu galay isbadal.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply