Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hor ka caayo ayaa saakay u ambaa baxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah xildhibaano kasoo jeeda gobolka Bay iyo masuuliyiin kale ayada oo ay qaban qaabo weyn oo soo dhaweyn ah ka socoto magaalada Baydhabo
Weli ma kala cada ujeedada safarka madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka prof. Jawaari balse waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Baydhabo.
Safarka masuuliyiintaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay meel ka baxsan magaalada Muqdisho ku aadaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com