Saturday, May 18th, 2013

Madaxweyne Sheekh Shariif oo iskagasoo baxay shirka saxiixayaasha. (Sababtu maxay tahay?)

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa iskagasoo baxay shirkii uga socday saxiixayaasha Road mapka magaalada Nairobi isaga oo dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagusoo waramayaa inuu ka carooday in Hotel aan ahayn kan uu ka deganyahay Nairobi shirka uu ka furmo ayada oo markii horena lagu ballan sanaa in Hotelka uu madaxweynuhu deganyahay lagu shiro.

Dhanka kale madaxweyne Shariif ayaa ka xanaaqay qaabka soo xulista xubnaha baarlamaanka iyo weliba cida usoo xuleyso Ahlusuna xubnaha baarlamaanka u galayo.

Sidoo kale arrinta kale ee la isku haayo ayaa ah talooyin uu soo jeediyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, kaasoo ahaa in tafaraaruqa ay meesha ka saaraan Madaxda, ayna isku raacaan hal musharax oo ay ku mideysan yihiin, si loo sii wado barnaamijka geedi socodka nabada Soomaaliya..

Balse hadalka ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay ayaa ah mid aanay dhamaan dhinacyadu ku qanacsanayn, tusaale ahaan madaxweyne Shariif waa musharax, shariif Xasan waa musharax, cabdiweli Gaasna waa musharax, mana muuqato qof si gaar ah ay iskugu wada raaci karaan dhinacyadaan is diidan ee ka wada tirsan dowlada Soomaaliya.

Kasoo bixitaanka madaxweyne Shariif ee shirka Nairobi ayaa waxa uu keeni karaa khilaaf hor leh iyo inuu dib u dhac ku yimaado hanaankii geedi socodka Road mapka inkastoo taasi aanay u cuntameynin beesha caalamka iyo Qaramada midoobay.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply