Tuesday, May 21st, 2013

Madaxweyne Shariif oo markii labaad maanta booqasho ku tegay degmada Afgooye.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxa uu gaaray degmada Afgooye oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM.

Madaxweyne Shariif ayaa booqashadiisa waxaa ku weheliya wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka, wasiirka beeraha xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa hada waxa uu kulan kula leeyahay degmada Afgooye saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo uu u horeeyo abaanduulaha ciidamada khalabka sida iyo weliba maamulka gobolka Shabeelada hoose ee dowalda KMG.

Dhawaan ayay ahay markii madaxweyne Shariif oo kasoo noqday booqasho uu ku tagay degmada Afgooye ay jidka u galeen maleeshiyooyin katirsan Xarakada Alshabaab.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply