Thursday, May 23rd, 2013

Madaxweyne Shariif oo kala diri rabo baarlamaanka uu wakhtigiisa sii dhamaanayo

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu wadaa inuu dhawaan kala diro baarlamaanka uu wakhtigiisu dhamaadka yahay ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu maalmahaanba waday qorshayaal uu ku kala dirayo baarlamaanka tiradiisu ay gaarayso 550 isaga oo u adeegsanayo qayb ahaan awooda uu siinayo dastuurka cusub.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu wadatashiyo la lahaa sharci yaqaanada Soomaaliyeed qaarkood si uu u kala diro baarlamaanka wakhtigiisu sii dhamaanayo.

24 saac ee soo socoto ayaa waxaa lagu wadaa inuu madaxweynuhu soo saaro wareegto uu ku kala dirayo baarlamaankii hore si baarlamaanka cusub ee 275ta ka kooban loosoo dhaweeyo.

Kala dirista baarlamaankii hore ayaa kusoo aadayso xili ay weli murano hareeyeen beelaha Soomaaliyeed qaarkood kuwaasoo ku aadan xildhibaanada soo xulistooda.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply