Sunday, May 26th, 2013

Madaxweyne Shariif oo caawa ku hoyanayo Afgooye kana hadlay arimo badan. (Dhegayso)

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo galabta booqasho ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay gudaha degmada Afgooye.

Madaxweynaha oo caawa ku hoyan doono magaalada Afgooye oo caasimada Muqdisho u jirto 30km ayaa waxa uu sheegay inuu cabaar sii joogi doono magaaladaas isaga oo aan xajiiqin mudada uu sii joogi doono halkaas inta ay la egtahay.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya kala hadli doono arimaha amniga iyo weliba sidii ay usoo wadi lahaayeen ciidamada dowlada hawlgaladooda.

Dhanka kale madaxweyne Shariif ayaa waxa uu ka hadlay lacagihii ay dowlada Mareykanka dul dhigtay hogaamiyayaasha Xarakada Alshabaab isaga oo  soo dhaweeyay lacagaha la dul dhigay madaxyada hogaamiyayaasha Alshabaab ugu sareeya qaarkood.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay wadahadalo la sheegay inay dowladiisu kula jirto qaar kamid ah hogaamiyayaasha Alshabaab isaga oo arintaas ka gaabsaday balse sheegay inay soo dhaweynayaan cidkasta oo ka harta fikirka qaldan kunasoo biirta dowladnimada iyo Soomaalinimada waa sida uu madaxweynuhu hadalka u dhigaye.

Hoos ka dhegayso shirka jaraa’id ee madaxweyne Shariif.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply