Thursday, June 20th, 2013

Madaxweyne Shariif iyo xildhibaan Shariif Xasan oo ka qaybgalay baroordiiq loo sameeyay Meles Zenawi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa maanta ka qeybgalay baroordiiq loo sameeyey Ra’isulwasaarihii Ethiopia Meles Zanawi oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed saxiixay amaba wax ku qoray buugga tacsida ee laga furay Safaaradda ayadoo Madaxweynahana ay wehliyeen Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan .

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta safaaradda Ethiopia ee magaalada Muqdisho ayaa markale tacsi u diray shacabka iyo Dolwadda Ethiopia oo uu ugu baaqay iney muujiyaan xasilooni waxaana dhanka kale uu Madaxweynuhu si kooban uga hadlay taariikhda Ra’isulwasaarihii Ethiopia ee geeriyooday Meles Zanawi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa halyeey qaaradda Afrika dhan ka tagay.

Jamaaludiin Mustaf Cumar Safiir kuxigeenka Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Muqdisho ahna kusimaha Safiirka oo saxaafadda kula hadlay xarunta Safaaradda ayaa tilmaamay in uusan sinaba u istaagi doonin xiriirkii wanaagsanaa ee uu aasaasay Meles Zanawi Ra’isulwasaarihii hore ee Dalkaasi.

Intabadan Safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa iyaguna saxiixay buuga tacsida ee ay Safaaradda Ethiopia ee Muqdisho u furtay Ra’isulwasaarihii Ethiopia Meles Zanawi.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply