Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta waxaa lagu wadaa inaymarlabaad ku kulmaan magaalada Dubai ee Iskutaga Iimaaraadka Carabta.
Labada masuul ayaa lagu wadaa inay qodobo dhowr ah kawada hadlaan maanta oo Jimce ah.
Shirkii ay shalay wada qaateen madaxweyne Shariif iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Siilaanyo ayaa ay diirada ku saareen arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin iskaashiga xaga la dagaalanka burcad badeedka,argagaxisada iyo qodobo kale.
Arinta gooni isku taaga Somaliland ayaanan weli laga wada hadlin arintaasoo ah mid ay Soomaali badan ka dhur sugayaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com