Thursday, June 20th, 2013

Madaxweyne Sh. Shariif oo amni darida Afgooye ka jirto darteed u booqday degmadaas.

Ayada oo ay dhawaanahaanba qeylodhaan kasoo yeeraysay dadka degan degmada Afgooye taasoo ku aadan amni darida ka taagan degmadaas ayaa waxaa maanta markii sadexaad booqday degmadaas madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulan kula yeeshay beerta Sheekh Zayed ee magaalada Afgooye saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo uu kamid ahaa abaanduulaha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya jeneraal Cabdikariin Aadan Yuusuf Dhega badan.

Madaxweyne Shariif ayaa ku canaantay abaanduulaha ciidamada xooga amni darida kajirto degmada Afgooye isaga oo sheegay inay tahay mid aan la aqbali karin amaan daridaasi.

Dhankiisa abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, jeneraal Dhegabadan waxa uu sheegay inuu qaatay canaanta waxna ka qaban doono falalka amni darida ah ee kusoo badanaya degmada Afgooye oo dhawaan lagala wareegay Xarakada Alshabaab, jeneraal Dhegabadan waxa uu sheegay in loo xiray amni darida ka taagan Afgooye saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada KMG Soomaaliya oo uu kamid yahay sarkaal lagu magacaabo korneel Tareedisho.

Sidoo kale madaxweyne Shariif waxa uu kulan gaar ah la qaatay maanta odayaasha dhaqanka degmada Afgooye kuwaasoo u gudbiyay madaxweynaha warqad ay ku qoranyihiin cabashadooda xaga amniga iyo maamulka ah, madaxweynuhu waxa uu u ballan qaaday inaysan sii socon doonin amni darida ka taagan Afgooye isaga oo odayaasha ka dalbaday inay iskasoo dhex xulaan gudi odayaal ah kuwaasoo soo dhisa maamul loo sameeyo degmada Afgooye.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka raali gelinayo dadka reer Afgooye amni darida isaga oo dhanka kalena aqbalay soo jeedinta odayaasha deegaanka ee ah in la dhiso ciidamo deegaanka kasoo jeedo oo wax ka qabto amniga magaalada kuwaasoo uu sheegay in loogu magac darayo ilaalinta deriska.

Tan iyo markii ay magaalada Afgooye u gacan gashay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa isasoo tarayay tacadiyada loo geysanayay dadka degmadaasi kuwaasoo ay ku kacayaan ciidamo beeleed ku lebisan dareeska ciidanka dowlada kana tirsan ciidamada dowlada balse Shabaab kahor si xoog ah ku haysan jiray degmada Afgooye.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply