Doorashooyinkii ka dhacay dalka Faransiiska ee madaxtinimada ayaa waxaa lagusoo afjaray madaxtinimadii madaxweyne Nicolas Sarkozy islamarkaasna mudo labaatameeyo sano ah meesha ka saartay awoodii uu dalka Faransiiska ku lahaa xisbiga muxaafidka ah ee uu ka tirsanaa madaxweyne Sarkozy.
Francois Hollande oo 57 jir ah kana socday xisbiga hantiwadaafa ah ayaa waxa uu ka jeediyay khudbad ku aadan guushii uu kaga guuleystay madaxweyne Sarkozy magaalada Tulle, Mr Hollande ayaa waxa uu ku guuleystay 51.7% codadkii la tiriyay.
” Kuwa aniga aan ii codeynin, ha ogaadeen innaan maqlo ayaga, innaan noqon doono madaxweynaha dadka oo dhan. Waa jirto hal France oo ku wada mideysan hal meel” sidaas waxaa yiri Francois Hollande, kaasoo ballan ku qaaday inay waxkasta uu u huri doono aarimaha cadaalada iyo dhalinyarada.
Hollande, ayaa waxa uu ka taqlusay Nicolas Sarkozy oo ka ka tirsan xisbiga muxaafidka ah doorasho aad u kululeed maalintii shalay ahayd ee Axada ahayd taasoo soo afjartay xukunkii madaxweyne Sarkozy oo weli xilka haya.
Madaxweyne Sarkozy ayaa dhankiisana sheegay inuu isaga sabab u ahaa guuldarida ku dhacday xisbigiisa.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa waxa uu khadka teleefoonka ugusoo hambalyeeyay Francois Hollande isaga oo ku casuumay aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kahor inta uusan kasoo qaybgelin Mr Hollande shirka ay yeelan doonaan dalalka kujiro kooxda G8.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com