Tuesday, May 21st, 2013

Madaxweyne Mursi oo la kulmay boqorka Sacuudiga, Cabdalla. (Sawiro)

Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa sheegay inay isaga iyo boqorka dalka Sacuudiga Cabdalla gaareen heshiisyo miro dhal ah oo dan u ah labadoda dal iyo xasiloonimada gobolka bariga dhexe xili uu madaxweynuhu booqasho ku joogo dalka Sacuudiga sida ay sheegtay wakaalada wararka u faafisa dalka Masar ee SPA.

” Wadahadaladeenu waxa ay ahaayeen kuwo miro dhal ah danna ugu jirto Masar iyo Sacuudiga, wax kasta uu dhahay boqol Cabdalla waxa ay ahaayeen waxay ku jiraan danta gobolka iyo Masar” sidaas waxaa yiri madaxweyne Mursi sida ay sheegtay wakaalada wararka dalka Masar ee SPA.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi ayaa lugtiisii ugu horeysay ee safar uu ugu amba baxo dalka dibadiisa ku tagay boqortooyada Sacuudiga Arbacadii shalay ahayd isaga oo ugu horeyna kulan la qaatay boqorka dalka Sacuudiga Cabdalla markaas kadibna la kulmay amiirka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz.

Madaxweynaha dalka Masar ee Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinta ayaa markii ugu horeysay dalka dibadiisa u dhoofay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynanimo ee dalka Masar.

 

Baidoa media.

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply