Thursday, May 23rd, 2013

Madaxweyne Caalin oo qaliin lagaga sameeyay wadnaha.

Madaxweynaha maamulka Galmudug korneel Maxamed Axmed Caalin ayaa qaliin xaga wadnaha lagula sameeyay ayada oo uu qaliinkaas noqday mid lagu guuleystay.

Madaxweyne Caalin ayaa dhawaanahaanba xanuun xaga wadnaha iyo keliyaha ah qabay ayada oo lagu guuleystay qaliin lagula sameeyay magaalada Nairobi oo mudo 4 saacadood ah qaatay.

Bile Diini oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweyne Caalin ay wanaagsan tahay, isla markaana lagu guuleystay qaliinka lagu sameyeay.

“Qaliinka waa lagu guuleystay, xaaladiisa waa wanaagsan tahay, afar saacadood ayuu koomo ku jiray, waxaa laga qalay qeybta hal boolayaasha dhiiga siiyay wadnaha ayaa xididka dhiiga xiray, Infakshan badan uu galay”ayuu yiri Bile Diini.

Madaxweyne Caalin ayaa waxa uu kamid yahay lixda siyaasi ee loo yaqaano saxiixayaasha Road mapka isaga oo sidoo kalena heshiisyo dhowr ah wax kasoo saxiixay goob joogna ka ahaa.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply