Madaxweynaha jamhuuriyada Islaamka ee Sudan Korneel Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa goor dhow kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Al-Bashiir ayaa usoo gaaray Muqdisho ka qaybgalka xaflada caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow ka bilaabanaysa magaalada Muqdisho.
Wefdiga uu hor kacaayo madaxweynaha Sudan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayada oo rooga cas loo fidiyay madaxweyne Al-Bashiir loona garaacay heesta astaanta qaranka dalka Sudan.
Imaatinka madaxweynaha ee magaalada Muqdisho ayaa imaanayso ayada oo uu saakay sidoo kale raisalwasaare kuxigeenka dalka Turkiga soo gaaray isna magaalada Muqdisho.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com