LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO U DHOOFAY MAREYKANKA. (WAR SAXAAFADEED)

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u dhoofay dalka Mareykanka ayada oo ay safarkiisa ku weheliyaan raisalwasaare kuxigeenka ahna wasiirada arimaha dibada Soomaaliya marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo lataliyayaashiisa.

War saxaafada loogu talagalay oo kasoo baxay xafiiska madaxweyna dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu kula kulmi doono dalka Mareykanka qaar kamid ah masuuliyiinta iyo madaxda dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa madaxda dalka Mareykanka kala hadli doono arimaha amniga iyo horumarka maadaama ay Soomaaliya hada ka baxday kumeelgaarnimadii.

War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri,

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya, Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka”

“Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay safar ugu amba baxay dalal ku yaala bariga Afrika ayada oo uu safarkaana noqon doono kii ugu horeeyay ee uu ku gaaro dalka Mareykanka.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply