Sunday, May 19th, 2013

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wefdi ka socday Sweden.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday dowladda Sweden kuwaas oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaamineysay wasiirka arrimaha horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Sweden haweeneyda lagu magacaabo Gunilla Carson iyagoona ka wada hadlay labada Mas’uul xiriirka labada dal iyo sida ay dowladda Sweden ay u taageerayso dowladda cusub ee Soomaaliya.

Kulanka ay qaateen Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha horumarinta iyo iskaashiga caalamiga Gunilla Carson oo ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa si wada jir ah ay warbaahinta ugu qabteen shir jaraa’id waxa ayna soo bandhigeen waxyaabihii ay uga wada hadleen kulankooda.

Gunilla Carson oo ugu horeyn la hadlay saxaafadda ayaa sheegtay in Madaxweynaha ay kala hadashay sidii ay dowladooda u taageeri laheyd dowladda cusub ee ka hana qaaday dalka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  uga mahad celiyay wafdiga ka socda dowladda Sweden ee soo baaqday Soomaaliya waxa uuna  tilmaamay in 22-kii sano ee uu dalka burburka ka jiray ay Sweden garab taagneyd dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply