Wednesday, June 19th, 2013

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socday dalka Switzerland. (War saxaafadeed)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Switzerland oo ay hogaaminayeen Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd  xasilinta dalka, dib u dhiska  iyo Horumarinta.

Safiirka Dowladda Swiss  ee dalka Soomaaliya ayaa u  sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen  dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya  qorshoodu ballaarin doonaan islamarkaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan Siyaasadda, Dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta  Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo  ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha  Swiss Eveline Widmer  Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.

    -  Dhamaad –

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply