Saturday, May 25th, 2013

Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhaw magaalada B/weyne.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hor kacayo ayaa goor dhow ka degay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya ayada oo uu madaxweynuhu booqan doono inta uu ku guda jiro safarkiisa dadka ay fataxaada webiga soo barakicisay ee ku sugan daafaha magaalada.

Beledweyne waxaa kusoo fatahay webiga Shabeelle kaasoo sababay dhimashada in ka badan 20 qofood ayada oo ay kumanaan dadka magaalada ahna ku bara kaceen.

Madaxweyne Xasan ayaa shalay booqasho gaaban ku tagay magaalada  Baydhabo ee xarunta gobolka Bay isaga oo halkaas kulasoo kulmay masuuliyiinta dowlada ee gobolka Bay iyo saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka guud ee Beledweyne.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply