Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo ay Soomaalida UK xaflad ballaaran u qabteen xalay. (Sawiro)

Magaalada London ayaa xalay waxaa lagu qabtay xaflad ballaarran oo lagusoo dhaweynayay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday.

Xaflada oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay kumanaan bulshada qaybaheeda kala duwan ah sida odayaal, hooyooyin, dhalinyaro wiilal iyo gabdho ah, carruur, siyaasiyiin iyo weliba masuuliyiinta jaaliyadda Soomaalida UK.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay qaar kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ku sugan ayaga oo halkaas kusoo bandhigay heeso wadani ah.

Siyaasiyiin iyo masuuliyiintii ka hadashay xaflada ayaa dhamaantood waxa ay si diiran ugusoo dhaweeyeen halkaas madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin raisalwasaare kuxigeenada ahna wasiirada arimaha dibada marwo Fowziyo Xaaji Yuusuf Aadan, marwada madaxweynaha Qamar iyo sidoo kale wasiirudowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dheer ka jeediyay xaflada ayaa ugu horeyntiiba uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK qaban qaabada iyo qabashada xafalada qiimaha badan ee madaxweynaha loo sameeyay.

Khudbadiisa ayuu madaxweynuhu kaga hadlay waxyaabo badan isaga oo ugu baaqay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK inay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo weliba sidii ay dowlada Soomaaliya ee kumeelgaarka aan ahayn ku noqon lahayd mid waxyaabihii loo igmaday fulisa.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay ciidamada dowlada ayuu sheegay inay magaalada Muqdisho ka dhisayaan sadex xero oo ay ku xareeyaan ciidamada dowlada ee markaas aan waajibaadkooda ku guda jirin, ” Muqdisho waxaa ka bilaabatay dhismaha sadex xero oo ay ciidamada dowladu yeeshaan si askariga aan shaqada ku jirin ay isaga iyo qorigiisaba uga hor leexdaan wadooyinka loona daayo ciidamada markaas waajibaadkooda fulinaya” sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kalena sheegay inay ciidamo gaar ah usoo xuleen amniga magaalada Muqdisho.

” Waxaan soo xulnay ilaa kun askari oo muuqaal ahaan iyo jir ahaan u dhisan caafimaadkooduna wanaagsanyahay islamarkaasna aan lahayn wax balwad ah sidoa khaadka si ay u gutaan hawlahooda amni sugid ee caasimada” sidaas ayuu mar kale yiri madaxweynaha oo sidoo kalena uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaalida UK dagaalka ay kula jiraan sidii dalka Ingiriiska looga joojin lahaa isticmaalka Jaadka.

Khudbada madaxweynaha oo dheerayd ayuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingiriiska kula dar daarmay inay dalka dib ugusoo laabtaan waxna ka dhisaan dowladana saacidaan sidoo kalena ay ahaadaan dad mideysan. ” Adiga ama Somaliland ayaan kasoo jeedaa dheh, ama Puntland ayaan kasoo jeedaa dheh, ama koonfurta Soomaaliya ayaan kasoo jeedaa dheh, aaqirka waxaad tahay Soomaaligii uu dalkiisa bur bursanaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay kumanaan Soomaali xalay iskugu timid hool weyn oo ku yaala magaalada London.

Isaga oo ka hadlayay aqoonsiga ay dowladiisu ka heshay dowlada Mareykanka, Ingiriiska iyo midowga Yurub ayuu madaxweynuhu sheegay inuu Soomaalidoo dhan u yahay fursad islamarkaasna aanay jiri doonin, koox ama reer si gaar ah loogu dhibaateyn doono arintaas.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID