Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Ku-simihiisa (Guddoomiyaha Baarlamaanka) Oo Dastuurka Jebiyay

Intii u dhaxaysay 26 Janaayo ilaa 8dii Febraayo 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku maqnaa socdaal dalka dibaddiisa ah. Sida uu qabo Qodobka 94aad (1) ee Dastuurka Ku-meel  Gaarka ah, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuu sababta maqanaanshaha Madaxweynaha awgeed, uu Sii-haye ka noqday xilka Madaxweynaha. Haddaba, asagoo ah Ku-simaha Madaxweynaha ah, ayuu Jawaari, wuxuu wareegto rasmi ah, kuna taariikhaysnayd 04/02/2013, kana soo baxday xafiiska Madaxweynaha, uu maamul cusub ugu magacaabay gobolka Baay iyo degmada Baydhabo, ayadoo Guddoomiyihii xilka hayayna xilka lagaga qaaday. Xil magacaabistan iyo xil ka qaadistan, dhan walboo laga eegaba, waa mid xadgudub ah, oo ka baxsan (dhaafsiisan) awoodaha dastuuriga ah amaba  sharciyada kale, ee uu cuskan karo Madaxaweynaha (ama Ku-simhiisaba). Waa mid isla markaasna lid ku ah qaar ka mid aha mabaadii’da uu Dastuurku dhidib ahaan ku taaganyahay. Waa ujeedada maqaalkan, inuu duro sharcinimada xil magacaabistan iyo xil ka qaadistan, oo ayadu  sharci-daranimo ka sokoow reebtay cawaaqib xumo aan lagu talagelin, taasoo ay daliil u tahay xasaradda iyo jaha-wareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosmay siyaasiyiinta gobolka Baay iyo weliba shir jaraa’id oo ay kaga soo horjeesteen sharcinimada wareegtadan, kaasoo ay qabteen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Sida caadada iyo anshaxa siyaasadeedba ah (Soomaaliya iyo caalamkaba), marka uu madaxweyne soo saaro wareegto, waxaa wareegtada araar ama hordhac looga dhigaa ereyo ka turjumaya inay wareegtadu aanay ku salaysnayn awood si ku-soo-booddo ah loo adeegsanayo, balse ay tahay mid ku qotonta hab-raac iyo awood sharci ah sida:  “Wareegtadan oo Lambarkeedu yahay 123, kuna taariikheysan  15/02/2013”; “Markuu arkay; qodobka 123 , faqradda/xubinta 1aad ee Dastuurka”; “Markuu arkay; xeerka LR. 123 ee 03/4/1964”; “Markuu tixgeliyey: Soo jeedintii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sumad XRW/123/02/2013, kuna taariikheysan 15ka Febraayo 2012, oo ku saabsan maamul u samaynta gobollada iyo degmooyinka”; “Asagoo aqoonsaday/garawsaday baahida loo qabo in maamul loo sameeyo gobollada iyo degmooyinmka”, iwm. Laakiin taa ma dhicine, waxaa lagu daabacay baraha Internetka ee ay ka mid tahay Radio Muqdisho (Codka Dawladda) wararka ku saabsan wareegtadan, ayadoo haba yaraatee aanay wareegtada ku xusnayn wax marjac sharci ah oo loo cuskaday awoodda lagu magacaabay maamulkan loo dooray gobolka Baay iyo degmada Baydhabo. Waxaa lagu xusay oo keliyah warka magacyada dadka maamulka loo magacabay iyo xilalkooda, inuu maamulkan yahay mid jiraya lix bilood, iyo in wareegtada ay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, ayna ku wada saxiixanyihiin Ku-simaha Madaxweynaha (Guddoomiyaha Baarlamaanka) Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md.Cabdkariin Xuseen Guuleed (oo asagu laha soo jeedinta).

 

Su’aalahan ayaa la is weydiin karaa: Maxaa ku soo beegay wareegtadan maamulka loogu magacaabay gobolka Baay (kii hayayna xilka looga qaaday) ayadoo uu Madaxweynuhu dalka ka maqanyahay, oo Ku-sime Madaxweyne yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari? Madaxweynaha ma la socday, oo ma la ogaa inuu Ku-simihiisa Jawaari, uu soo saaro wareegtada xilka lagu magacaabay, inkastoo uu Madaxweynuhu markaas joogay magaalada London, UK? – haddii uu ka warqabay, uuna fasaxay soo saaridda wareegtadan, Madaxweynaha asagana wuxuu ku xadgudbay, oo uu ka taraaraxay wadadii Dastuurka iyo sharciga, si la mid ah Ku-Simihiisa, waxaana sidaa daraadeed waajib ku ah Baarlamaanka inuu la xisaabtamo Madaxweynaha iyo Ku-Simihiisa, maadaama aanay weli dhisnayn Maxakamaddii Dastuurka, haddiise laakiin, wareegtadan uu Ku-simaha Madaxweynaha, uu soo saaray asagoon Madaxweynuhu ogeyn, wuxuu Madaxweynuhu dayacay, oo uu daryeeli waayay xilkiisa; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo madaxda kale ee dawladda ee ay isla ogaayeen magacaabista xilkan, ma waxay ka baqayeen xasaasiyad qabiil iyo mid deegaan, oo ma waxay is yiraahdeen, maadaama Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Ku-simaha Mdaxwynaha Jawaari, uu ka soo jeedo gobolka Baay, waxaa si huluusho sharci ah ama si qiiq iyo humaag isku-qaris ah looga saxiixi karaa wareegtada xilka Gobolka Baay lagu magacaabay? Maxay xukuumaddu (Golaha Wasiirada) u horgeyn la’dahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sharciga dawlad goboleedyada, sida uu farayo Dastuurka, halkii ay ku mashquuli lahayd fitnada magacaabidda iyo xil ka qaadidda Guddoomiyaal gobol?; Sababta loo la’ayhay wareegtadan oo si sharci ah u qoran, ama leh xeer la cuskaday (ayadoo war ahaan u qoran mooyee), sow ma aha mid halbeeg u noqon karta oraahdii Soomaalida ee ahayd “Wixii la qariyaa Qurun baa ku jira”? – hadii ay wareegtadan ahaan lahayd mid waafaqsan Dastuurka iyo xeerka waxaa hubanti ah in lagu soo lifaaqi lahaa qaanuunka loo cuskaday.

 

Aduunka casirga ah ee aynu maanta joogno, wuxuu ka koray hab-dhaqankii ahaa, in umadda lagu hago, looguna taliyo rabitaanka ama hamuunka siyaasadeed ee qofka mas’uulka ah ee haya xil dadweyne. Taas waxaa caddeeynaya in marka uu mas’uul madax ka ah am xil ka haya dal uu sharcigu ka taliyo, oo ay taladiisuna shacabku leeyihiin, uu soo saaro go’aan, amar, xeer, iwm, ama uu adeegsanayo awood uu sharcigu u baneeyay, aanan marnaba laga wayin wax caddeeynaya sharcinimada la cuskaday. Haddii kale waa awood sharci darro ah oo aan lahayn qiil sharci oo la daliishado. Xataa dawladdii “Kacaanka” wareegtada Madaxweynaha, waxaa loo cuskan jiray Xaashida 1aad, tan 2aad iyo tan 3aad ee Kacaanki 21ka Oktoobar 1969.

Haddaba dhanka sharciga marka laga eego wareegtadan lagu magacaabay maamulka gobolka Baay, waxaa roon in bal haddiiba ay xataa wax saldhig sharci ah lahaan lahayd in la caddeeyo qodobada Dastuurka ku jira ee uu Madaxweynuhu (ama Ku-simihiisa) uu adeegsan kari lahaa, sababta oo ah sida uu dhigayo Qodobka 4aad (Sarraynta Dastuurka) (1) “ Shareecada ka sokoow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan”.

 

Meesha keliyah ee ay Dastuurka kaga taallo in uu Madaxweynuhu (ama Ku- simihiisa) leeyahay awood uu xil dawladeed ku magacaabo, waa Qodobka 90aad (Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka) oo ay ku taxanyihiin awoodaha Madaxweynaha, waxayna faqrada (11) ay dhigaysaa: “Wuxuu [Madaxweynuhu] magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu”. Tusaale ahaan, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Guddoomiye cusub u magacaabay Bankiga Dhexe, taariikhdu markay ahayd 12kii Janaayo, 2013. Xilkan oo ah mid dawladeed oo ah “Heerka Dawladda Federaalka” Madaxweynaha awood dastuuri ah buu u leeyahay inuu magacaabo, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu (Wasiirka Maaliyadda). Laakiin magacaabista maamulka Gobolka Baay iyo degmada Baydhabo waa mid heer gobol ah, oo xataa wadamada aan lagu maamulin nidaamka federaalka, ee ay awoodda dawladdu ku urursantahay gacanta dawladda dhexe (siday Soomaaliya ahaan jirtay), xilka Guddoomiye gobol (governatore), waa mid heer gobol ah, oo aan ahayn xil dawlad dhexe. Haddii muwaadiniinta Soomaaliyeed la indhasaabayo, oo sharciga lagu tumanayo mooyee, marnaba xilkan Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo degmada Baydhabo ma noqon karo xil heer Federaal ah, oo uu Madaxweynaha (ama Ku-simhiisa) awood sharci ah u leeyahay inuu magacaabo. Qodobka 48aad (Qaab-dhismeedka Dawladda) (1) (a), (b), wuxuu si cad u qeexaya, oo uu u kala qaybinayaa hannaanka dawlada sida tan: “Qaab-dhismeedka Dawladda ee Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu ka kooban yahay 2 heer Dawladeed: (a) Heerka Dawladda Federaalka (b) Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka oo ay hoos-imaanayaan Dawladaha Degaanku/Hoose”. Waxay kaloo magacaabista noocan ah lid ku tahay mabda’a ah in talada iyo awoodda loo daayo dadka ay khusayso, oo go’aamada laga soo gaaro gunta hoose, oo aan korka sare laga soo rogin, sida hadda dhacday, wuxuuna Qodobka 50aad (Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya) (a) dhigayaa: “Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta”. Si kale hadii loo dhigo, dawladda dhexe ee federaalka ah, inay samayso xeerkii iyo nidaamkii lagu dhaqi lahaa maamullada gobollada iyo degmooyinka, oo doorkeeda uu noqdo “hawl-fududeyn” mooyaane, ma aha inay ayada sutida u heyso hogaanka maamul u samaynta gobollada iyo degmooyinka amaba ay noqoto naaquudaha doonta.

 

Xataa haddii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, oo asagu lahaa soo jeedinta magacaabista iyo xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo degmada Baydhabo, uu cuskan lahaa xeerar iyo nidaamyo ay hore ugu dhaqmi jireen dawladihii horey u soo maray dalka, sida in Wasiirka Arrimaha Gudaha, uu soo saaro Amar Dawladeed (Ordinamento del Governo), oo lagu magacaabayo Guddoomiye gobol (governatore), waxaa ka sarreeya Dastuurka hadda jira (sida lagu soo sheegay sadarrada kore), waxaana shardi ah, in marka hore la waafajiyo Dastuurka. Masalan, Qodobka 139aad (Sharciyadda oo Weli Socda) ee Dastuurka waxaa ku dhigan “Dhammaan xeerarka dhaqan galka ah ka hor inta aanu hirgalin [Dastturka] waxa ay ahaanayaan qaar sii shaqeeya waxaana laga dhadhansan doonaa [loo fasiri doonaaa] laguna dabaqi doonaa waxka beddeladaas, qaadashadaas, in la cayimo iyo in wax laga soo reebo hadba sida looga maarmi waayo si loo waafajiyo Dastuurkan ilaa goorta xeerarkaas wax ka beddel lagu samaynayo ama meesha laga saarayo”. Haddii si fudud loo micneeyo, marka madaxda dawladdu cuskadaan xeerar iyo nidaam dawladeed oo hore u  soo jiray, maadaama ay Soomaaliya Qaran jira ahayd , ay welina tahay, oo ay dagaallada sokeeye keliyah ay hakiyeen nidaamkii dawladnimo, waxaa shardi ah in loo fasiro si waafaqasan Dastuurka hadda jira, haddii kale waa waxba-kama-jiraan. Sababta oo ah waxay lid ku noqonayaan mabaad’iida aasaasiga ah ee Dastuurka, waxayna falalka dawlada noqonayaan falal laga yaqyaqsoodo, oo aanu qaadan karin damiirka caalamka iyo kan Soomaalidaba. Ma kula tahay inay suurtagal sinna u tahay in la is waafajiyo magacaabidda guddoomiye gobol iyo degmo, ayadoo la raacayo xeerar hore, oo loogu talagalay dawlad aan federaal ahayn, oo ay awoodda dawladdu ku urursanayd gacanta dawlada dhexe (siday Soomaaliya ahan jiraty) iyo dawlad gun iyo baarba uu Dastuurkeedu u qaabeeyeey hannaan qaab dhismeed federaal ah sida dawladdan hadda jirta, ee magaceedu yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ookale? Jawaabtu waa bataatan maya – qofkii neceb Dastuurka hadda jira ee ku-meelgaarka ah (oo ah mid qodobadiisa wax laga bedeli karo, waxna lagu daro karo, haddii loo maro jidka sharciga ah ) maalinta aftida dad-weynaha loo qaadayo gacantiisa yey ceelin, oo “haa” ama “maya” mid ha ku rido sanduuqa cod-bixinta, markaas ka dib ayunbuu noqonayaa Dastuur rasmi ah, inta ka horraysa se, ha iska dulqaato!.

 

Sumcad xumada iyo ceebta ay dawladda federaalka u keenayso adeegsiga xeerarkii soo maray dawladihii hore  ee Soomaaliya, ee ayagu ah ah xeerar badankooda noqday kuwo duugoobay, oo caalamka badankiisa ka noqday wax mar hore laga tagay, waxaa daliil ah u ah dhacdo Soomaalida iyo adduunkaba ay la amakaageen, taasoo ku saabsan xukun ay riday Maxkamad darajadeedu hooseyso ee ku taal magaalada Muqdisho, 5tii Febraayo 2013, taasoo xukun xabsi ah oo midkiiba hal sano oo xarig ah ku xukuntay haweenay sheegtay in loo geystay kufsi, balse Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Maxkmadda Gobolka Banaadir, Qeybta Ciqaabta (Danbiyada Culus) ay ku sheegeen inuu yahay kufsi “aan jirin”, oo ay ku “ceebeynayso ciidanka Booliiska si ay uga hesho dhaqaale lacageed” iyo weriye lagu eedeeyay inuu “war been abuur ah ku faafifay warbaahinta, uuna u adeegsaday inuu ku sharaf dilo haybadda Qaranka Soomaaliyeed”. Waxaa xusid mudan in markii uu Garsooraha ku dhawaaqayay go’aanka Maxkamadda ay haweenayda eedeysanaha ahayd dhabarka ku sidday ilmo sabi ah, oo aan weli laga goyn naaska hooyadiisa, kaasoo Maxkamadda ku dhex ooynayay (waana sababta ay Maxakmada u laashay (dib ugu dhigtay) xariga haweeneydan muddo laba sano ah, ilaa inta ilmahan yar uu naaska ka go’ayo). Waxay labadan muwaadin, oo labaduba ka soo jeeda gobolka Baay (waa s’uaal madaxa daalinaysa sababta siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta gobolka Baay loogu ciqaabyo sharcigii dawladihii hore ee Soomaaliya,) xarig ku muteysteen, ka dib markii lagu soo eedeeyey denbi ah in ay “aflagaado u gaysten oo ay meel uga dhaceen sharafta hay’ad Qaran “. Bal malee denbiyada noocan ah dawlad ceynkee ah ayaa dadkeeda ku ciqaabtaa? Askari Booliis ah oo xilkiisa gudanaya, in la caayo, oo la daandaansado, caalamka oo dhan denbi ayay ka tahay, laakiin “sharafta hay’ad qaran ayaad aflagaadaysay, oo sharafteeda meel uga dhacday” waa denbi siyaasadeed, qofkii loo xirana, waa maxbuus siyaasadeed. Xeerkan waxaa la hindisey, oo la dejiyay  sanadkii 1930kii markii uu dalka Talyaaniga ka jiray xukunkii kelitalisnimada ku dhisnaa ee Faashiga (fascist) ahaa, ee uu majaraha u hayay Benito Mussolini. Waxaa taas ka sii yaab badan, in markii uu Garsooraha Maxkamadda ku taalla Muqdisho ee la soo xusay, uu go’aanka Maxkamadda ku dhawaaqayay, uu daliishanayay Aayado Qur’aan ah, oo ku jira Suuratu Al-Nisaa iyo Suuratu Al-Axsaab, si uu isu waafajiyo fal denbiyeed la siyaasadeeyay, oo asal ahaan loogu talagalay in lagu guulguulo ama lagu ciqaabo qof kasta oo isku daya inuu af iyo addinba kaga soo horjeesto nimaadmkii faashiga ahaa ee Talyaaniga (Xeerkii Ciqaabta ee Mussolini). Ma is keeni karaan, waana laba aan is qaadi karin Xeerkii Ciqaabta ee uu sameeyay nidaamkii Mussolini iyo Kitaabka Alle – Soomaalia waxay  xeerkan loo yaqaano Xeerka Ciqaabta ka dhaxashay gumeystihii Talyaaniga, inkastoo sanadkii 1964ti xoogaa wax laga bedeley, si loo waafajiyo dhaqanka Soomaalida iyo kan Islaamkaba, balse badankiisa waa sidii uu ahaa sanadkii 1930kii. Waa mid ka baxsan garashada caqliga saliimka ah in weriye (ama warbaahinta Soomaaliya guud ahaan) lagu dabbaqo, laguna cabburiyo Xeer Ciqaab la dejiyay 83 sanadood ka hor, halkii la xushmeyn lahaa Dastuurka hadda jira. Eedda waxaa leh shakhsiyaadka ka tirsan dawladda, derajo kasta ha lahaadeene, ee ayagu hab dib u socodnimo ah, ugu muhanaya xeerar iyo sharciyo aan la jaanqaadi karin dawladnimada casriga ah, ee ku dhisan dhawridda iyo xurmeynta  xorriyadaha. Xaq miyaa, xeer miyaa in weriye Soomaaliyeed loo cuskado Xeerkii Ciqaabta ee Mussolini, ayadoo Qodobka 18aad (Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta), faqradaha (1), (2) ee Dastuurka ku-meelgaarka ah, ee aasaaska u ah dawladda maanta ka jirta Soomaaliya, oo sababaha ay aqoonsiga caalamiga ah ku heshayna ay ka mid tahay yeelashada ay yeelatay Dastuur casri ah, uu dhigayo: “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba. (2) Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka”?

 

Waxaan shaki ku jirin (haddii la is indhatirayo mooyee) in tallaabadii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, uu asagoo Ku-sime u ah Madaxweynaha wareegto ku magacaabay Guddoomiye gobol iyo degmo, oo uu yeesho gobol ka tirsan dawlad lagu maamulo hannaanka federaalka (haddii la jecelyahay iyo haddii la necebyahayba) ay tahay xadgudub bareer ah, oo dastuuri ah, oo sharci lagu gabbado aan lahayn. Xataa haddii uu sharcigu oggolaan lahaa, waxaa lagu timaami karaa xikmad-darro aad u weyn in Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo huwan magaca iyo haybadda Baarlamaanka Soomaaliya, oo asagu ah hay’adda sharci dejinta (kana madaxbannaan waaxda fulinta), uu oggolaado inuu saxiixo wareegto Madaxweyne, asagoo Ku-sime ah (illeeyn asagu ma aha madaxweyne ku xigeen). Wuu ka fursan karay inuu geysto gefkan qaawan ee dastuuriga, haddii uu dhan walba ka eegi lahaa xasaasiyada ay leedahay (marka laga eego xag sharci iyo xag anshax siyaasadeedba) iyo sida ay wax ugu dhimayso sharafta iyo karaamada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee uu hayo, oo ah xil kun jeer ka mug weyn xilka ku meelgaarka ah ee Ku-simaha Madaxweynaha. Dabcan, Dastuurku ma aha Kitaab Qura’aan, oo aan wax laga bedeli  karin, balse ilaalinta qodobada uu ka koobmo, inta si sharci ah wax looga bedelayo, waa mid waajib ku ah muwaadiniinta iyo madaxdaba. Haddii qodobada Dastuurka hilinka toosan laga duwo, lana baalmaro, oo loo weciyio amarkutaagleyn aan aan sharci ahayn, waxaa la hubaa in ilayska iyo nuurka dawladnimada dacallada Soomaaliya dib uga soo ifitiimay uu naga dami doono (Alla ma qadaree).

 

Haddiiba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, oo asagu ah aqoonyahan, bare, xirfadle, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo dagaallada sokeeye ka hor xilal wasiirnimo soo qabtay, muddana daraasaad iyo cilmi baaaris ka waday wadanka Norway, oo uu muddo ku noolaa, kana mid ahaa khubaradii diyaarisay Dastuurka maanta jira ee uu jebinayo, asagoona ka mid ahaa Guddigii Madax-banaanaa ee Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Cabdkariin Xuseen Guuleed, oo muddo deggenaa magaalada Toronto (Kanada), lana wada ogyahay in dalka Kanada uu ka mid yahay wadamada ugu taariikhda dheer marka la eego nidaamka federaalka iyo dastuur ku dhaqmidda, ay sidan u baalmarayaan Dastuurka ay ilaalin lahaayeen, xilka iyo derajadana ku gaareen, oo ay jebintiisuna aqoon-darro ka ahayn “dawo bukootay” iyo “dab dhaxmooday” iska dheh! Waxaana durba maanka ku soo dhacaya, kuna habboon in lagu gunnaanado maqaalkan hees ay si talantaalli ah uga wada luuqeeyaan Cabdi Muxumud Amiin (Alle ha u naxariistee) iyo Hibo Maxamed, oo uu miraheeda hal-abuuray Xasan Sheekh Muumin sanadkii 1968, ka dib markii uu ka yaabay sida bareerka ah ee ay siyaasiyiintii Soomaalida ee waagaas, u jebinayeen xeerka iyo dastuurka u yaallay dawladdii rayidka ahayd. Ereyada heesta oo ah kuwo duurxul iyo hogatusaalayn laga dheehan karo ayaa waxaa ka mid ah:

Doc kastoo la eego, nolosha dunidu waa dabkee

Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa lagu diiriya?

Waa tilmaan la daahoo, degdeg kuma habboonee,

Adoo deggan u fiirso, ujeedadaa i deeqsii!

 

Ruux haddii la doorto, derajadii la saariyo

Xilkii daryeeli waayo, dab dhaxmooday weeyee

Waa su’aal da’weyn oo, madaxa daalinaysee

Wixii lagu diirinaayo, dadweynahaa la weydiin!

 

Qofkii cudur dilaayoo, dawadaa bogsiisee

Hadday dawo bukooto, maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan la daahoo, degdeg kuma habbonee,

Adoo deggan u fiirso, ujeedadaa i deeqsii!

 

Dallaalimada diintiyo, dastuurka iyo xeerka

Haddii dabool la saaro, dawo bukootay weeyee

Waa su’aal da’weyn oo, madaxa daalinaysee

Wixii lagu dabiibi, dadweynahaa la weydiin!

 

Maxamed Xaaji Caddow

London, England

15 February 2013

Email: mohamedadow@gmail.com


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID