Madaxweynaha JFS oo maanta lagu wado inuu u amba baxo dalka Turkiga.

<

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta u amba baxo dalka Turkiga halkaasoo uu casumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Turkiga Abdullah Gül.

Madaxweynaha ayaa booqashadiisa waxaa ku wehelin doona afar wasiir iyo taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya jener

buy rolex replica online

aal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa lagu wadaa inay ka degaan magaalada Ankara ayaga oo maalinta Khamiista ahna usoo duuli doona magaalada Istanbul ee isla dalka Turkiga.

Inta uu ku suganyahay madaxweyne Xasan dalka Turkiga, ayuu kala hadli doonaa madaxweynaha dalkaas xiriirka labada dal iyo horumarinta iyo mashaariicda uu Turkigu ka wado gudaha dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Turkiga ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu ku faraxsanyaay booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo dalka Turkiga.

Waa markii ugu horeysay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tago dalka Turkiga tan iyo markii xilka madaxweynanimo loo doortay.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.