Monday, May 20th, 2013

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xafiiska Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Urur Goboleedka IGAD….WARSAXAAFADEED

(Mogadishu, Somalia, October,16, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  Wafdi  ballaaran ee uu hogaaminayey Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD  Mahbub Moalim

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay  Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta  Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin  Dowladdda Soomaaliya .

Xoghayaha Guud ee  Urur Goboleedka  IGAD ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kulanka maalmahii la soo dhaafay ka socday  Magaaladda Nairobi  ee dalka Kenya oo looga hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Ammaanka  Goboladda laga xoreeyey Al Shabaab iyo sidii maamul hoose loogu sameeyn lahaa, waxaana la isku raacay in masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii Xogahayaha Guud ee  Urur Goboleedka  IGAD ayaa u sheegay Madaxweyanaha  in diyaar u yihiin gacan siinta Dowladda Soomaaliya iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Urur Goboleedka  IGAD tageerada ay siiyaan  Dowladda Soomaaliya.

     -  Dhamaad –

Suldan A. Farahseed

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply