Sunday, May 26th, 2013

Madaxweynaha j.f.s oo casho sharaf u sameeyay xildhibaanada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaannada Baarlamanka Federalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa madaxweynuhu ugu mahadceliyay mudanayaasha kaalintii wanaagsaneyd oo ay ka qaateen doorashooyinkii madaxtinimada dalka, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen musharraxiintii u tartameysay xilka Madaxtinimada dalka.

Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulankaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay mas’uuliyadda saaran Xildhibaannada iyo sida loogu baahanyahay in ay u gutaan, isagoo ballan qaaday guddoomiyuhu in xildhibaannadani ay dalka gaarsiin doonaan waqti qof kastaa uu doorankaro qofkii uu doonayo.

‘’Golaha shacbiga wuxuu diyaar u yahay shaqo wanaag iyo in uu dalka u horseedo isticmaalka awoodaha sharciga oo aan xadgudub laheyn, waxaan sidoo kale diyaar u nahay inaan wadashaqeyn buuxda iyo xasillooni siyaasadeen aanu abuurno, si dalkan 4 sano kadib aan ugu wareejinno gacanta mas’uuliyiin ay dadku soo doorteen, weyna naga go’antahay inaan taas ka dhabeyno’’ayuu yiri guddommiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha J,F,Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay mudanayaasha Baarlamanka dulqaadka ay muujiyeen iyo sida ay codkooda u siiyeen, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay musharrixiintii la tartameysay oo si kalsooni leh ugu qancay natiija doorashadaasi.

‘’waxaan rabaa caawa inaan Baarlamanka ugu bogaadiyo waxqabadkoodii wanagsanaa iyo dulqaadka ay muujiyeen, waxaan leeyahay mudanayaasha aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin,  dadaalkii aad gasheenna mirihiisii billowga ahaa waa lahayaa, waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa walaalaheyga ka qeygalay tartankii doorashada oo iyaguna si weyn iigu hambelyeeyay iina ballanqaaday in ay ila shaqeynayaan iyadoo aysan jirin wax gooniya oo ay iga rabaan’’ ayuu yiri Madaxweyjnaha J.F.Somalia Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkisa sii wata ayaa intaa ku daray in mudnaanta uu siindoono ammaanka,  iyadoo ay ku dhinac socoto dhismaha dowladda oo hadda uu ku howlanyahay wadatashi ku aadan sidii uu usoo magaacaabi lahaa R/wasaare hoggaamiya dowlad tayo leh oo shacabka Soomaaliyeed u horseeda horumar iyo barwaaqo.

10-kii bashan ayey aheyd markii  Prof Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya kaas oo ay horyaalaan arrimo ay ka mid yihiin hagaajinta dal iyo dad aan muddo ka badan 20 sano helin dowlnimo taam ah.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply