Friday, May 24th, 2013

Madaxweynaha DFS oo dib ugusoo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka kadib socdaal uu maanta ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay magaalada Baydhabo kulasoo kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Baay,mas’uuliyiinta maamulka gobolkaasi iyo saraakiisha Ciidammada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee Baydhabo ku sugan.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo waxa uu khudbad u jeediyey kumanaan shacabka reer Baydhabo ah oo uu kula hadlay goob fagaare ah waxaana uu ku ammaanay shacabka gobolka Baay sida ay Ciidammada ammaanka kala shaqeeyeen Nabadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in xiligan dalku galay isbedel guud islamarkaana looga baahanyahay shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba ay si isku duubni ah uga faa’ideystaan fursada maanta la heysto maadaama uu dalkii ka gudbay KMG.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa uu duleedka magaaladaasi ku kormeeray Ciidammo loo tababarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo uu u ballan qaaday iney heli doonaan xuquuqdooda islamarkaana ay Dowladdu xiligan muhiimad siin doonto dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida.

Safarkan uu maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo uu kaga ambabaxo magaalada Muqdisho tan iyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply