MADAXWEYNAHA DALKA FARANSIISKA OO LAGU WADO BERI INUU BOOQASHO KU TAGO DALKA MALI.

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago dalka Mali beri oo Sabti ah taariikhduna ay ku beegantahay 02.02.2013.

Madaxweyne  Francois Hollande, ayaa waxaa ku wehelin doona safarkiisa uu ku tagayo dalka Mali wasiirka arimaha dibada ee Faransiiska, Lauren Fabius, wasiirka difaaca dalkaasi Jean-Yves Le Drian iyo wasiirka horumarinta dalka Faransiiska Pascal Canin.

Ciidamada dalka Faransiiska ayaa waxa ay mudo sadex isbuuc ah dagaal kaga jiraan dalka Mali ayaga oo gacanta ku dhigay dhul ballaaran oo dhanka waqooyiga Mali ku yaala oo ay horay u haysteen dagaalyahano xiriir la leh ururka Alqaacida.

Mali waxaa horay u gumeysan jiray dalka Faransiiska taasoo keentay inay kaalmo dhanka ciidamada ah siiyaan dowlada dalka Mali oo qarka u saarnayd inay xoogaga Islaamiyiinta awooda dalkaasi xoog kaga tuuraan.

Wargeyska kasoo baxa dalka Faransiiska ee Liberation ayaa waxa uu sheegay isaga oo soo xiganayo ilo uusan magacaabin in madaxweyne Hollande lagu wado sidoo kale inuu booqdo magaalada Saxaraha ku taalo ee taariikhiga ah ee Timbuktu taasoo ay ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali kala wareegeen dagaalyahanada ururka Ansaarudiin ee xiriirka la leh urur weynaha Alqaacida.

Madaxweyne Francois Hollande ayaa si aad ah ugusoo shaac baxay go’aanka uu keligiis ku gaaray inuu ciidamadiisa u diro dalka Mali si ay ula dagaalamaan dagaalyahanada Alqaacida ku xiran ee xooga kagasoo saaray ciidamada Mali dhanka waqooyi ee dalkaasi unasoo dhawaaday magaalada caasimada ah ee Bamako.

Sawirka madaxweyne Hollande iyo calanka dalka Faransiiska ayaa waxa ay ka noqdeen gudaha dalka Mali waxyaabaha ay dadka sida aadka ah u iibsadaan una haystaan ayaga oo u arko madaxweynaha Faransiiska inuu yahay halyeeygooda ka bad baadiyay xukunka adag ee ururka Alqaacida, waxaana hubaal ah in si weyn loogusoo dhaweyn doono dalka Mali madaxweynaha Faransiiska iyo wafdigiisa ballaaran.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID