Saturday, May 18th, 2013

Madaxtooyada oo ay ka socoto qaban qaabada ku dhawaaqista raisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Ayada oo dhawaanahaanba laga dhur sugayay cida uu usoo magacaabi doono madaxweynaha Soomaaliya raisalwasaaraha cusub ee dalka uu yeelanayo ayaa waxaa maanta ka socoto madaxtooyada magaalada Muqdisho qaban qaabada ku dhawaaqista raisalwasaaraha.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa loo badinayaa in maanta gelinka dambe uu madaxweynuhu ku dhawaaqo raisalwasaaraha cusub kaasoo loo saadaalinayo in loo magacaabo nin lagu magacaabo Saacid Faarax Garaad oo kasoo jeeda beesha Mareexaan.

Waxaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia kusii qul qulayo wariyayaasha oo laga yaabo inay goob joog maanta ka ahaadaan soo magacaabista raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee caasimada Muqdisho ayada oo ciidamadana digniin lagu siiyay inaysan wax rasaas ah ridi karin marka lagu dhawaaqi raisalwasaaraha cusub ee uu dalka Soomaaliya yeelanayo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply