Sunday, May 19th, 2013

Madaxii minishiibiyada magaalada Baydhabo oo saakay la dilay.

Magaalada Baydhabo ayaa saakay ragg bistoolado ku hubeysan waxa ay toogasho u geysteen Mukhtaar Indheey oo ahaa madaxii waaxda canshuur qaadista magaalada Baydhabo ee dowlada Soomaaliya.

Ragga dilka u geystay masuulkaan ayaa goobta ka baxsaday ayada oo ay markii dambe halkaas soo gaareen qaar kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya.

Weerarka lagu khaarajiyay masuulkaan ka tirsanaa dowlada Soomaaliya ayaa noqonayo kii labaad mudo 24 saac gudahood ah ayada oo ay shalay un ahayd markii bambo lagu weeraray qaar kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya oo fadhiyay goob shaaha laga cabo.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa sii xumaanayay maal mahaanba ayada oo uu mar dhexdaas ah u muuqday mid yara hagaagaya.

Baydhabo waxa ay kamid tahay magaalooyinka ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen Xarakada Alshabaab.

 

Xafiiska war qabadka Baidoa media ee 

Baydhabo Janaay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply