Awalbaan ogaa inuusan kob caleen leh ka soo durdurinayn, nin dan gaar ah wataa weligiis, Liq liq waxaa ku xigi doonta liqi waa!
Madaxdii Soomaalida iyo nimankii tartanka ku jiray, ayaa xalkoodu noqday laba canley iyo yaan lagaa badsan, nin hantidii qaranka maareeyn kari waayey, oo musuqmaasuqiisii iyo wax isdaba marintiisa, maanta Jariiradaha caalamka iyo warbaahinta dunida oo dhami qaadaa dhigaysaa, miyaan ka aqbali karnaa inuu mar labaad naga soo hor mutaxnaado? Kaaga sii darane, waxay weli meesha la soo taagan yihiin gebigood, murashax baan ahay iyo mar kale i doorta! Madaxii waan liqaye aan minjahana dhunjiyee.
Dhaqankii hore ee Soomaalida, ninka tuugada ku caan baxa, ee weliba ammaanada xummada ku muuqda, waa la faquuqi jiray, waxaana la odhan jiray waa: Haammaan kan haammaanka noqon doonana waa Afmiinshaar, haddii uu qof liqo oo labada lugood ka soo jeedaan, maan arag ayuu ku odhanayaa, bulshada dhexdeedana kuma lahaan jirin sumcad “Ileen Nimaan xishoonayn, dhegxumo xeeli kama hayso” waa halkay Maahmaahda kalena ka lahayd: “Waxaad ceebta u taqaan Rag bay camalkooda tahay” Waxaa dhaqankii sidaa ahaa maanta lagu bedelay bil caksi in Tuugada, Musuqmaasuqa, Khiyaamada, Beenta iyo Belaayo Afuufka ah, ninkii sameeyaa loo yaqaano, ninka dadka ugu wanaagsan, ugu kartida badan, uguna ragannimada badan, saw duni cayn wareegtay maaha, oo samaantii xumaan lagu bedelay?.
Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay ku caddeysay in xubnaha Dowladda ku meelgaarka ah ugu sarreeyaa dhamaantood lunsadeen lacagihii loogu deeqay inay ku meel mariyaan hawlaha horumarinta xafiisyada dowladda iyo adeegyada bulshada.
Warbixintaas ayaa shaaca ka qaaday iyadoon qarsoodi ahayn in Gebi ahaan Madaxda Dowlada iyo Maamulgoboleedyada qaarkood lunsadeen hantidii qaranka ee cashuurada dalka iyo dakhligii illaha dhaqaalaha ka soo geliyey iyo deeqihii aduunku bixiyeen si dowlada loogu horumariyo,waxaa ka mida ragga la magacaabay, saddexda ugu Sareysa Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Afhayeenka Baarlamaank,Madaxa Maamulka Puntland , Labadii Ra’iisal wasaare ee Xukuumadii tan ka Horreysay & Madaxa Laanta Socdaalka Soomaaliya , ayaa dhammaantood doonaya inay jagooyinkooda iyo kuwa ka sii waaweyn hayaan shanta sannadood ee foodda inagu soo haysa, sidoo kale xubno ka tirsanaa Xukumadiihii hore golaheedii wasiirrada iyo Dowladda hadda jirta ayaa iyaguna ku eedaysan Musuqmaasuq iyo wax is dabamarin kala duwan, oo dhinaca maaliyadeed inay Badda Soomaaliya xaraashkeeda ku saabsan, iyaguna waxay u hanqaltaagaya oo hawo kaga jirtaa kursiga madaxnimada, saw xaalkeenu noqon maayo markaas reer ba’ayoow yaa ku leh?.
Dadku waa jibbeysan yihiin, badidoodu waxay qaadayaan heeso u eg kuwii kacaanka iyo hebeloow ma daale, ma oga qofkaay u heesayaan wuxuu yahay iyo halka uu u wado, wuxuu keliya ku taageerayaa dhawr arimood: isagoo afka loo qooyey, balanqaad aan meel uu jiro cidi ogayn iyo waa reer hebel, ee hayska noolaado sheeka la yidhaahdo, u coddee murashaxa beesha.
Qaarkood waxaad arkaysaa maqaallo ammaana oo si xad dhaaf ah loogu tiiqtiiqsay, oo warbaahinta lagu soo dhigayo, haddaba ummaddeena Soomaaliyeed ayaa si toos ah u maax duntay dhinac walba, haddii ummaddii yeelayn weydo hoggaan wanaagsan iyo hannaan siyaasadeed, haadkaa ka dhergaya, calaacalka maalin walba waxba ma tarayo, dalka iyo dadkana looma waayin dad wax gal ah, oo Wadaniyiin ah, balse waxaa laga horminayaa nin aaduna, oo horor ah, oo aan wax wanaaga iyo wax dadnimo ah midna lagu ogayn, Aduunyooy xaalkaa ba’a!
Waxaa ku jirtay maanso uu tiriyey Abwaanka weyn ee Aadan Tarabbi Jaamac, oo la yidhaahdo Good iyo Guuleed maansadaas oo Abwaanku kaga hadlayey sheeko dhex martay Mas iyo Nin, aadna u dheer, balse waan soo koobayaa Good iyo Guuleed goodku waa “Good Mas aaddun ah oo halis ah ” Guuleedna wuxuu ahaa Socota ah, oo markaasaa Maskii oo untun iyo daano uu soo gaysta qaba oo godobaysani wuxuu weydiistay Guuleed inuu ka magangeliyo qolo raadkiisa guraysa oo daba socotay si ay uga aargoostaan Maska dilaaga ah, Maskii ayaa ku yidhi niyaw guuto raacdo ayaa i daba socotee Go’i waa i magangeli, Guuleed oo arrinkiisa la yaaban ayaa sidan ugu jawaabay:
1. Garan maayo buu yiri:
2. Jilbiskaa Galaasha leh
3. Iyo gooh dhagays taha
4. Sidaan Good ku aamino
5. Goormay dad iyo halaq
6. Gacansaarka yeesheen?
7. Colaad sii gun dheeroo
8. Guun ah baa dhextaallaye
9. Bini aadmi goormay
10.Gacal noqdeen Abeesada?
11.Iminkana war Goodoow
12.Aan kuu gabagabeeyee
13.Inaan goob xun lagu dhigin
14.Hay gunaanad seejine
15.Anna galabta hay dilin!
Waxaan Tusaalahan ugu soo qaatay sheekada dhex martay “Guuleed iyo Good” oo ah sheeko ka turjumaysa marxaladda aynu manta joogno waxaa horboodaya ummaddii Soomaaliyeed, dad doonaya inay dhiiggooda jaqaan, oo aan wax naxariisa u falayn, haddana doonaya dadkii ay ku dul noolaayeen ee dhibaatada ku hayaan, inay taageero kasii helaan, nin adiga, ubadkaaga iyo dalkaaga midna aan wax naxariis iyo wanaag ah u falayn, oo maalin walba war kaa nixiya iyo wax kaa yaabinaya mooyee, aadan kala kulmayn wax kaa farxiya ama yididiilo ku geliya, sidee lagu aaminayaa? Waa halkii uu ka lahaa Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”Maansadii “Indho Badan” wuxuu yidhi:
1. Shan afraad shan afraad
2. Birta kii ka aslaa
3. Oori deydeyayee
4. Aroosow magacaa?
5. Ilko dhiigle maxaa
6. Lagu aaminayaa?
7. Dhego awdan miyey
8. Odayeyntu gashaa
9. Irdha qaado ragow
10.Naftaad aasi taqaan
11.Waad abuuri kartaa!
Waxaa la yidhi “Nimaad taqaan yaad tahay lama yidhaahdo?” haddiiba aan qolada hadda joogta iyo kuwii ka horreeyey barranay warkoodiina aan ka dheregsanahay waxna inagu seeganayn miyeysan haboonayn inaynu cod dheer runta ugu sheegno oo nidhaahno “Kala barannaay waryaa beentiyo runtii!” Waxaan leeyahay waxgaradka gabran Caasimadda Soomaaliya, waad aragtaan halka xaal marayo, waxaad soo xushaan dad ka madax bannaan gebi ahaan eedaymaha socda, dad nadiifa oo ka gudbiya ummadda marxaladdan adag ee ay maanta ku jirto, haddaan ilkahaa dhiigga leh iyo ma naxayaasha dib noogu soo celisaan, waxaad ka qaybqaadateen burburka dalka iyo kala danbayn la’aanta dhici doonta, haddii aad ummad wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo laguna aamini karo hoggaanka dalka soo xushaanna, waxaad gaadheen, go’aan guusha lagu gaadhi lahaa.
Ugu danbayn, waxaan ku soo gunaanadaya hadalkayga tixdan “Qanaaco”:
Qoladaa gudaha joogta
Qurbajoogta qiireysa
Ee qalad run moodaysa
Ee qori ismarisyaasha
Qawlaysatada joogta
Haw qaban xaflado qaasa
Hana qaadin hadalkooda
Ha quweynin waa ceebe
Qolonimo ha taageerin
Qoys cune ha taageerin
Qalin tuug ha taageerin
Qabqablaha ha taageerin
Qoqobaha ha taageerin
Qaybiye ha taageerin
Qaswadaha ha taageerin
Qolo wade ha taageerin
Qaa’inkana ha taageerin
Qarashkiyo mucaawinada
Qarsadaha ha taageerin
Qaldahana ha taageerin
Qulumbaa lafaha qaata
Qalamsada ha taageerin
Qandho iyo qabiil oo dhan
Iyo qaxar ha taageerin.
Qowmiyadda Soomaali
Ruux wax qabadkeeda
Qarannimo wanaaggeeda
Qorshaheeda fulinaaya
Wadaniga u qiireeysan
Danta guud u qalabqaatay
Qadaadiic ku doonaynin
Qasnad aan u dhigaynin
Qaadhaanka loo dhiibo
Qasdigiisa aan raacno
Garabkiisa aan qabanno
Qumanaan u taageerno.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com