LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

MAAREYNTA IYO KA MANAAFACAADSIGA QASHINKA‏

Horudhac:-Waxaan rabaa in aan ka hadlo mas’alo ay soomaalida, maanta aad ugu

baahanyihiin oo ah Qashinka.Bal ka warama Qashinka oo ahaa mid loo baahanyahay,maalintiiba

ugu yaraan Laba jeer in laga shaqeeyo,oo aan la taabanin mudo uu Qof ku Qaangaaro.

Qormadan waxaan ku falanqeeynayaa,marka la eego Xajmigeeda,Cilmigeeda,&Baahideeda ku sameyneysa sida

loo maamulo,loo Asturo,loo Aruuriyo,loo Dhoofiyo,ama looga faa’ideeysto,iyada oo looga manaafacaadsanaaya sida:-

Kheyraadka dabiiciga oo kale.

Waxaa la arkaa in Dadku ay la yaabaan,ama iska yasaan, ka hadalka Nuxurka,&qeymaha Qashinka,iyaga oo

hadalka ku soo gaabsanaaya,maxaan ka qeymeynayaa Qashin waaba Qashine,xataa hadii uu qofka Isha ku dhufto

Canaawiinta kala ah,Qashin Qaadis,Qashin aruurin iwm.

 

 DHOOFINTA  QASHINKA.

In dhawaalaba waxaa caalamka ku sii kordhaayay isu kala dhoofinta Badeecadaha Qashinka,hadii aan si kale

u dhaho,soo dhoofinta&sii dhoofinta waxyaalaha&Alaabaha horay loo isticmaalay,kadibna la tuuray,hadana la damacsanyahay in dib looga

faa’ideysto iyada oo dib loo warshadeynaayo.

Sidoo kale qashinka ka soo hara warshadaha&wax sameyn kale oo aan dib loo isticmaali karin,sidaa darteed la rabo in la iska fogeeyo,

si looga nabad-galo xumeeynta deegaanka,caafimaadka-guud,ee Dad&Duunyaba.

Dunida horumartay iyada hawshaan tan&waqti hore ayeey kasaayeen,weyna iska sii wateen oo marba marka ka danbeysa sii balaarsanaayeen

siina casriyeeysanaayeen,waxaa iyaguna dhawaan bartay,oo la jaan-qaaday,wadamada saboolka ah ama soo koraaya.

wadamada soo koraaya dhaxdooda kaliya waxaa ka socda isu dhoofin,&ka ganacsi balaaran oo ay isku dhaafsanaayaan Qashimada dib loo warshadeeynaayo&waxyaabaha laga soo saaraaya intaba.

Tusaalle:-ka ganacsiga waraaqaha,Baakadaha,Dhalooyinka,caagaga,waa arin aan ku cusbeeyn Dunida sadexaad,oo tan&waa hore ayaa lagu arkaayay in badan oo ka mid ah Dunida sadaxaad,sida,Hindiya&Qaarada Afrikaba.

  Waa socotaa

           Waa-Qalinkii,Lecturer,Cali Cabdi Abuukar(BAAB)

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID