Monday, May 20th, 2013

Maanso: (Murashax‏) Waa maanso aad u xiisa badan.

Maansadan  waxaan  curiyey  isla bishan  juun  ee aynu ku jirno badhtankeeda  waxaan  arkay  dad badan oo magacyadooda qaarna cusub yihiin  qaarna  aynu hore u naqaanay  oo  dhamaantood murashixiina  siday u dhan yihiina  doonaya  kursiga Madaxweynaha

Maqaal aan qoray  bishan  juun  ciwaankiisuna ahaa “Murashax iyo madaxdoon” ayaa qayb  Maansada ka mid ahi ku jirtay  anigoo markaa bulshada  weydiinaya  haddii  Bulshadii soomaaliyeed  kuligood madaxnimo  rabaan adeegyada kale ee bulsho yaa qabanaya mase  wada noqon karnaa  Madaxweynayaal dhamaanteen ayaa waxaan idhi.

 

Madaxnimada mooyee

Murashaxa ordaayoow

Macne kale ma haysaa?!

 

Milge maxaad u leedahay?

Maxaad maanta ka horoow

Maatada dalkaagiyo

Maxasta u samaysoo

Mudane, lagugu doortaa?.

 

Mise magacan baasbaa

Adigana ku madax maray

Mar uun meesha gaadhbaa

La maqiiqan tahayoo

Maqal iyo ogaaliyo

Maba lihid majare saxan?!

 

Mabd’a lagugu aamino

Iyo mawqif horumara

I maqlaayda mooyee

Maxaa mudane kuu dheer?!

 

Miilankiyo ujeedada 

Aan mariye maansada

Muftigii cilmiga waday

Iyo Mu’adsinkiisii

Waa murashaxiinoo

Masjidkii ka maagoo

Maxay uga danleeyihiin?.

 

Dhakhtarkii mudnaa iyo

Mudaawadka laga rabay

Ee mariidku sugayee

Ahaa lagama maarmaan

Waa murashax maantoo

Ma dabiibo ruuxnee

Muxuu uga danleeyahay?.

 

Meleteriga hore iyo

Mudanoow Askarigii

Mirta iyo habeenkii

Maatada inuu jiro

Muddo tababarka u jiray

Muran buu ka keenoo

Waa murashax maantee

Muxuu uga danleeyahay?.

 

Odaygii milgaha iyo

Dhaqanka u mudnaaye

Ee Macawis iyo Shaal

Iyo marada xidhan jiray

Madaxuna u duubnaa

Miisaanka weynaa

Waa murashax maantee

Muxuu uga danleeyahay?.

 

Macnahii aqoontiyo

Ma huraan waxbarashada

Iyo Macallinkii waday

Muriidkii aqoontiyo

Masnacii waxbarashada

Iska maanacoo diid

Waana murashax maantee

Muxuu uga danleeyahay?.

 

Minaaradaha dhaadheer

Matoorrada olkamayiyo

Warshadaha muhiimka ah

Meeshii dhismeba galo

Iyo qalab makaaniik

Maareeyahoodii

Injineerkii muraniyo

Maya buu ka joogaa

Waana  murashax maante

Muxuu uga danleeyahay?.

 

Mudantii haweenkiyo

Marwada iyo hooyadii

Minankiyo ciyaalkii

Maareeynti gurigiyo

Meeqaankii hooyada

Marxabaynta ubadkii

Ma hurtadii ka booddo

Waana murashax maante

Maxay uga danleeyiiin?.

 

Su’aalahan muhiimka ah

Malaayiinta Soomaal

Ee madax u dirirka ah

Maqalkiina laga xidhay

Muuqaalka eber yahay

Madaxweyne mooyee

Meel kaleba aan rabin

Muslinoow la yaabaye

Maxay uga danleeyihiin?.

 

Dhammaad.

 

Cabdiraxiin H galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply