LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Maansadii Codeyn‏

Maansadan waxaan curiyey ka dib su’aal igu soo noqnoqtay oo ahayd “yaad taageersantahay ama yaad doonaysaa inuu dalka Madax ka noqdo?” iyagoo dadku inta badan marba qof kugu suntaya oo aan ku qanacnayn jawaabta aad siiso ee ku saabsan dareenkaaga shaqsiyadeed, waxaan markaas is idhi anigoo iska leexinayaa tuhunka faraha badan ee Soomaalidu ku caan baxday ayagoo adeegsanaya maahmaahdii ahayd “Daadku intaanu ku soo gaadhin baa layska moosaa” “Hadalkaaga hortii afeefbaa la dhigtaa Aqalkaaga hortiisana ood baa la dhigtaa” ayaan ku halqabsaday bal iyaguna inay wax ka yidhaahdaan eraygan soo noqnoqday asxaabtayda dhalinyarada ah, ee qalinka iyo hal-abuurka aan ku tebayey Bashiir M. Hersi iyo Maxamed Cilmi Dhicisoow, waxaan markaas u sheegayaa dadkana barayaa ciddii haddiiba cod lay weydiiyo aan u codayn lahaa waaba haddaan codeyn karayee, ileen cod shacab waqtigiisii lama joogo aniguna shacabkaan ka mid ahay.

 

Kumaad u codayn lahayd?

 

Anoon caynkeeda iyo

Ciraabteedaba ka tegay

Suugaantii aanan curin

Codkeedii aanan tirin

Cawaynteediiba nacay

Cabsida Eebbiyo baryada

Cibaadada doorbidaa

Cod buuxa dadkii dhaheen

Su’aal cadna laygu yidhi

Haddaad cid u dooran layd

Carriga Soomaaliyeed

Ayaad u coddeyn lahayd?

Cagtiiba la joogsadoo

Jawaab ku cadeeyeyoo

Waxaan u coddeyn lahaa

Niman cillad lagu ogayn

Cilmiga Diintiyo yaqaan

Casriga maaddiga la helay

Cidnaba aan hore u dilin

Cilaaq iyo muran aqoon

Cad xaaraana aanan cunin

Cuudkii maatadana dhicin

Cadiifad qabiilna galin

Nimaan cidi keeninoo

Galbeed cududiisu wadin

Midaan carrab dalab aqoon

Abidkiis laba codlayn

Cad quudheed aan cunayn

 

Waxaan u codayn lahaa

Xalaashu mid ceesh u tahay

Dadkiisiyo ciidda jecel

Mid caawiya maatadoo

Cad gooniya aanan rabin

Cilmiga uu soo bartiyo

Caqliga u haneeya oo

Carbiye ummaddiisa oo

Caruurta samaanta bara

Cirroolahu garab ka helo

Ciseeya haweenka oo

Cadliga jecel iyo sinnaan

Ciddiisiyo cidaha kale

Codkiisu u siman yahoo

Casabi aan lagu aqoon!

 

Waxaan u Codeeyn lahaa

Casiis aan ceeb lahayn

Caqiilkii horumar jecel

Midkii cudurrada dawayn

Midkii ceel noo qodiyo

Midkii Casmigeena jecel

Colaadda midkii ka diga

Nabadda Calankeeda sida

Carriga nabaddiisa jecel

 

Waxaan u codayn lahaa

Midkii calankiisa jecel

Cawo maalin kii jiree

Ka caajisin danaha guud

Canaad aan madax adkayn

Ninkii Cadowgiis yaqaan

Codkooda dhegaysanayn

Dadkiisa caaliqayn

Culuumtiyo Sayniskiyo

Casriga cilmigaa la helay

Caqliga ku barbaariyo

Haddey caafimaadka tahay

Haddey cirka iyo dhul tahay

Haddey nolol curinta tahay

Haddey cudud ciidan tahay

Carbiya nolosheena ee

Camuud iyo tiir ka dhiga

Waxaan u codeyn lahaa

Casiimka go’aanka adag

Cafiifka ka dhawrsan xumo

Cabqari xeeldhiri lehoo

Cilmiga diintana yaqaan

Cufkeediyo aqoon yaqaan

Siyaasadda Calaamkiyo

Culaabta galbeed yaqaan

Hullaabta Carbeed yaqaan

Afrika Camalkeed yaqaan

Canaadka adduun yaqaaan

Kaasaan u codayn lahaaye.

Haddaadse codayn lahayd

Wadaniga la ciilayoow

Abwaannada caanbaxee

Casiisku murtida baree

Cuudkoodii ay tahoow

Curiyihii ina Diraac[2]

Igaarkii ina[2]cilmoow

Cadeeya ujeeddadoo

Ayaad u codayn lahayd?

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

Sharax Erayada

 

Diraac= Bashiir M. Hersi (Diraac)

Ina Cilmi= Maxamed Cilmi Dhicisoow


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply