Tuesday, May 21st, 2013

Maamulka Sh/hoose oo la kulmay wafdi ka socday UNka iyo hay’ado kale.

Maamulka gobolka SH/hoose ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday UN.ka oo booqday gobolkaasi kaas oo ka soo degay garoonka diyaaradaha No 50.

Guddoomiyaha gobolka SH/hoose C/lqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay saxaafada isagoo ku sagan magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi ayaa sheegay in gobolkaasi ay shalay soo gaareen wafdi ka socday hey’adaha gargaarka ee UN-ka kuwaas oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Lambar 50.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in wafdigaasi ay uga warbixiyeen xaalada nololeed ee dadka ku nool gobolkaasi, kuwaas oo Malleeshiyaadka Shabaab ay hore ugu diideen in la gaarsiiyo gargaarka ay u baahnaayeen, isagoo xusay in maamulka ay ka go’antahay sidii dadkaasi ay u heli lahaayeen adeegyada aas aasiga u ah nolosha bani’aadamka.

C/qaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in garoonka diyaaradaha Lambar 50 uu haatan shaqeynayo iyadoo ay si toos ah u isticmaali karaan duulimaadyada hey’adaha, wallow uu u baahyahay dib u dayactir iyo qalabkii isgaarsiinta garoonka, maadaama muddadii ay heysteen kooxda Shabaab uusan garoonku shaqeyneynin.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply