Wednesday, June 19th, 2013

Maamulka Puntland VS Afka-Soomaaliga.

Shaley oo taariikhdu ahayd 16/05/2012 ayaa waxaan ku arkay mareegaha internetka qodobada ay Puntland soo gudbiyeen inay ku diidanyihiin dastuurka cusub ee haatan loo fadhiyo ansixintiisa.  Qodob ka mid ah qodobada ay ku sheegeen inay diidan yihiin ayaa wuxuu yahay qodobka 5aad: “Afafka rasmiga ah Dalka wuxuu u baahanyahay hal luuqad oo rasmi ah (af Soomaali). Lahjadaha kale oo af guriga ah, si kastaba ha u kala badnaadeenee, deegamada ay ka jiraan sidii hore halooga isticmaalo”

Qodobkaan shanaad (5aad) ee ay diidanyihiin Puntland wuxuu ku qoran yahay Axdiga Kumeelgaarka ee Dowladda Kumeelgaarka Soomaaliyeed, wuxuuna oranayaa “Afafka rasmiga ah ee dalka waa Maay iyo Maxaatiri”.  Puntland waxay qabaan in afka rasmiga ah ee dalka laga dhigo Af-Maxaatiri keliya, afka Maayga aan  loo baahneyn ee meesha laga saaro.

Waxay leeyihiin waa af-guri ee af rasmi ah ma ahan.  Waa yaabe, maxay ula jeedaan waa af-guri?  Ma waxay ula jeedaan guryaha unbaa looga hadlaaye af banaanka iyo xafiiska ku haboon ma ahan; mise waxay ula jeedaan waa af hore oo duugoobay, dhaqan-ka-bax noqday (out dated) oo majaalka siyaasadda cid ku isticmaashana aanay jirin?

Waa gardarro heerkeeda gaarsiisan garsoorena lahayn.  Maxaa ku kalifaya Puntland inay gacan dhaafka heerkaa gaarsiisan sameeyaan iyagoo weliba u muuqda inaanay wax baqdin ah ka qabin natiijada falkoodaas.  Ma aqoondaro heerkaa gaarsiisan bay qabaan, waxaan u haysanay inay intaa dhaamaane!  Mise qab, kibir iyo isla weynin doqonnimo u dheertahay baa halkaa la gaadhay?  Mise waa isu-been-guur siyaasadeed ay ku doonayaan inay wax ku carqaladeeyaan?

Hadday jaahilnimo ka tahay waxaan diyaar u nahay inaan wax ka barno muhimadda iyo qiimaha ay jiritaanka ummadi u leedahay waxa luqadda loo yaqaano – Maay, Maxaatiri, Carabi, Ingiriis ama Talyaani miday ahaataba.  Afka Maayga waxaa si rasmi ah loogaga hadlaa toddoba (7) gobol ka mid ah Koofur-Galbeed Soomaaliya waa Banaadir, Shabeelada Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Bay, iyo Bakool.  Asal ahaan dadka Af-Maayga ku hadla waxaa layiraahdaa Digil-i-Mirifle.  Digil-i-Mirifle waa dad tiro ahaan ku toban jibaarma Puntland, ka tayo wanaagsan Puntland, kana toolmoon Puntland.  Waxaanba la qaadan karin inay Puntland wax ka sheegto Afka-Soomaaliga (Maay) oo ah luqadda rasmiga ahee ay ku hadlaan kala badh iyo ka badan dadweynaha Soomaaliyeed.

Af-Soomaaliga (Maay) wuu ka guda weynyahay, siday dadka qaarkii moodaan, inuu tahay keliya af lagu hadlo oo dadku isku fahmaan.  Ku hadalku waa uun qeyb ka mid ah qeybaha waaweyn ee luqaddani ugu fadhido dadweynaha Soomaaliyeed.  Af-Soomaaligu (Maay) waa SIDE.  Wuxuu sidaa SUMMADDA, TAARIIKHDA, HIDDAHA, DHAQANKA, DAREENKA IS LAHAANSHO ee ka dhexeeya shakhsiga iyo bulshada, degaanka, dadka iyo dabeecadda.  Af-Soomaaliga (Maay) halaga tago waxay u dhigantaa adigoo yiri, “Halaga tago dhammaan waxay luqaddaasi sidday oo aan la’aanteeda jiilba-jiilka ka dambeeya u gudbi karin.

Dowladda Kumeelgaarka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay magacowdo GUDDIGA HORUMARINT AF-SOOMAALIGA (Maay).  Guddigaan waa in loo sameeyaa miisaaniyad u gaar ah si ay u hirgeliyaan barnaamijka horumarinta barashada farta Soomaaliga (Maay), barnaamijkaanoo laga hirgelinayo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka si ay dadweynaha Soomaaliyeed u bartaan qoridda iyo ku hadalka Af-Soomaaliga (Maay).  Barnaamijkaan diyaarintiisa, isku dubaridkiisa, uga qoondeynta miisaaniyad ku filan fulintiisa bajetka dowladda waa waajib saaran masuuliyiinta Digil-i-Mirifle ee ku jira Dowladda Kumeelgaarka Soomaaliyeed (xildhibaanada iyo wasiirada).

 

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

Unishef@live.com

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


3 Responses to Maamulka Puntland VS Afka-Soomaaliga.

  1. Husseinow says:

    Isaak, Walaal Afka Maayga markaa u doodaysid horta af qoran ma yahay mise waa iska lahajad deegaan sida tan reer waqooyiga iyo reer bariga markaa waxba ha isku lugoyn May May ma noqonayo luuqad ay Soomaaliyi ku hadashee.

  2. dugsiiye says:

    Af maayga waa laga istacmaalayaa bay iyo bakool wixii intaa ka baxsan mamnuuc waaye

  3. ALLAA WEYN says:

    Afmaayga waa af jira oo ay ku hadlaan in kabadan 45% dadka soomalida ah. Sidaa dardeed cunsirnimada ay ku kaceen Reer puntland waa mid aaney hilmaami doonin dad badan oo reer Koonfur Galbaad. Tan kale, waa in si deg deg ah, Masuuliyiinteena ku jirta dowladda ay ugu jawaabaan. Hadii kale, walaalayaal si nabad ah noogu hortaga. Idinka iyo Faroole waxbo isma dhaantaaan.

Leave a Reply