Wednesday, May 22nd, 2013

Maamul ay sameysteen dhalinyarada qurbajoogta beesha Silcis Gorgaarte Hawiye.

Shir in dhawaalaba u socday dhalinyarada qurbajoogta beesha Silcis Gorgaarte Hawiye ayaa waxaa lagusoo dhisay maamul cusub oo ay yeeshaan dhalinyarada kasoo jeeda beeshaas.

Baidoa media ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay magacyada qaar kamid ah masuuliyiinta cusub ee ay yeesheen dhalinyarada qurba joogta beesha Silcis Gorgaarte.

Shirka ay yeesheen dhalinyarada beesha Silcis ayaa waxa uu soo bilawday 02/02/2012 isaga oo soo gaba gaboobay 10/04/2012 sida uu u sheegay shabakada warbaahinta bidoa media afhayeenka shirkaas Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Sahal)

Waxaa la magacaabay gudi ka kooban 12 xubnood oo ay kamid yihiin

 

1.Cabdi Xasan Maxamed.

2. Maxamed Cabcullaahi Maxamed ( Sahal)

3. Axmed Barakow.

4. Cali Maxamed Jiin

5. Nuur Muqtaar Sheekh Cali

6. Saalax Xuseen Kabayare

7. Cabdulqaadir Cismaan Nuur (Shaadi)

8. Faarax Tuuryare Xasan.

9. Siid Muqtaar Macallin Weheliye

10. Cali Garoorshe Muxumed.

11. Cabdulqaadir Maxamed

12. Cabdiraxmaan Xaaji Cali.

Shirka lagusoo dhisay gudigaan ka kooban 12da qofood ayaa waxa uu ka dhacay aalada internetka sida uu sheegay Maxamed Sahal oo kamid ah gudiga dhalinyarada qurba joogta beesha Silcis Gorgaarte isla markaasna ahaa afhayeenka shirka.

Abuukar Jimcaale Macow, Amal Faarax Axmed, Muna Jeylaani Axmed, Axmed Faarax, Fahad Cabdulaahi Maxamed, Ramla Maxamed, Yaxye Maxamed Xaaji Kurtun, Nuura Cabdullaahi Xasan Gadaf, Xawo Axmed, Maqaamo Faarax, Xamdi Maxamed Cumar Caweeye, Magdha Nuur, sidoo kale kasoo qaybgalayaal ka socday dhanka Afrika ayaa waxaa kamid ahaa

Cabdulaahi Cali Jiin, Axmed Maxamuud Geedi, Cali Maxamuud Geedi, Maxamed Cabdi Xasan, Bashiir Cali Yuusuf, Cabdulqaadir Xuseen Annel, Maxamed Maxamuud Aybakar, Axmed Xuseen Shiqdhi, Abuukar Axmed Sheekh, Muqtaar Jimcaale, Siyaad Xuseen, Maxamed Cali Ganeey iyo weliba dhalinyaro aad u fara badan oo aan halkaan lagusoo koobi Karin.

Ugu dambeyntii gudigaan ay sameysteen dhalinyarada qurba joogta beesha Silcis ayaa waxaa looga fadhiyaa sidii ay iskugu xiri lahaayeen guud ahaan dhalinyarada beeshaas kuna dhiiri gelin lahaayeen ka qayb qaadashada horumarinta bulshada iyo weliba ka shaqaynta wanaaga iyo nabada dalka Soomaaliya oo hada ku jiro xili adag.

 

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


6 Responses to Maamul ay sameysteen dhalinyarada qurbajoogta beesha Silcis Gorgaarte Hawiye.

  1. Waxaan filaayey iney Dhallin yaradu ka soo gudubtey Qabiilka iyo Qoriga Caaraddiisa, laakin waxaan arkayaa iney tahay Nasiib darro hadda oo la leeyahay Dhallin yaro ayaa kulan Qabiileed sameystey.

    Waxaan ku boorinayaa iney ku biiraan Xisbiga Leebarka si ay uga buksoodaan Cudurka Qabiilka, ugana gudbaan Xirfad iyo Shaqo .

  2. muna jeylani says:

    waxaan filayaa aadan walaal dhalinyrradu in aad si qaldan u fahamtay hadii ay isku aruursadeen in ay wax u qabtaan dadkooda taa ceeb iyo qabyaalad uma arko rayi ahaan ee waxaa ceeb ah qabiilku markuu isku aruursado in uu wax dhaco ama umada laayo laakin maxaa leedahay waxba haisku qabanina dadna waxba haku taakuliynina taa qalad ayaan u arkaa,
    waxaa u mahad celinayaa dhalinyarada beesha oo aan leeyahay waad ku mahadsan tihiin arinta aad ku dhaqaaqdeen waana mid ku dayasho mudan hadaad wax qabsataan idinka dhexdiina umadana marnaba ma iloweysaan,qofkuna waa in uu marka hore gurigiisa ka bilaaba midki tiisa daryeela uun ayaa dadna wax u qabana kara.

  3. hanad says:

    s/c walaalayaal wan idin salaamay.waxaan qabaa su,aal ah qabiilka gorgaate yuu galaa ?iiga soo jawaaba emailkaas.thanks

    • afgoi says:

      ascw bro hanad gorgaate waxuu ka mid yahy 7 caruur ah uu dhalay odaygii hawiye gorgaate waxaa ku abtirsada inta ugu badan oo hawiyaha ah tusaale gorgaate waxuu dhalay maxamed gorgate, wadalaan gorgaate, daame gorgaate, mariixaan gorgaate ,maxmuud gorgaate, silcis gorgaate, intaa waa ilmo gorgaate daame gorgaate ayaa dhalay inta hawiye ugu badan oo ah hiraaab ( mudulood, habar gidir. Shiiqaal) sidaa darteed ayuu gorgaate ilmihiisa hawiye ugu badan yahiin ,

  4. Amal says:

    afgoi sax walal runbaad usheegtay and thanx

  5. sofian says:

    aad iyo aad ayaan ugu mahad celina walaalaha soo qaban qaabiyay isku keeenida dhalinyarada silcis gorgaate waxaana ka codasanaa in ay sii wadaan hawshooda ayna kusoo daraan dhalinyarada ku abtirsada beesha meel kasta oo ay jogan iskana ilaaliyan kala qobqobka beesha ay kuwadaan dadka qaar.
    waxan kamid ahay dhalinyaarda ku abtirsata besha waxan joga sweden E-MAIL keyga waa kan :sofiannnn20@gmail.com

Leave a Reply