Monday, May 20th, 2013

Maamul ay dowlada KMG Soomaaliya u sameysasay gobolka Galgaduud.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay maamul ayada u taageersan u sameysay gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku haysay Ahlusuna Waljameeca oo kamid ah ururada diimeedka ka jira dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Bashiir Goobe oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in wareegto ka soo baxday Madaxweynaha lagu magacaabay, isla markaana ay aheyd soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha C/samad Macalin Maxamuud.

Bashiir Goobe oo aqriyay magacyada Maamulka cusub ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud loo magacaabay Axmed Yuusuf Xasan (Ciyow), Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Galgaduud ayaa loo magacaabay Saadaq Yuusuf, sidoo kale Gudoomiyeyaasha degmooyinka Galgaduud, sida Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa sidooda u heynaya Mas’uuliyiinta Ahlusuna u magacawda, waxaana ay ka mid yihiin Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Macalin C/raxmaan Geeda-Qarow iyo Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taar-dhuleed.

Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada KMG Soomaaliya Cabdisamed Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maamuölka cusub uu ku yimid tala soo jeedinta ururka Ahlusuna iyo dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud isaga oo ugu baaqay maamulka cusub inay howshooda u gutaan si wanaagsan.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa horay mamulo ugu sameysay gobolada qaar sida gobolka Hiiraan oo ay dowladu gacanta ku hayso.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply