Wednesday, May 22nd, 2013

Maalinta 26 June oo si weyn looga dabaaldegayo gayiga Soomaaliyeed maanta.

Maalinta 26 June oo ah maalin ku weyn ummada Soomaaliyeed islamarkaasna ah maalintii ay gobolada Waqooyi galbeed qaateen xoriyada ayaa si weyn looga xusayaa goobokala duwan oo ka tirsan deegaanada ay Soomaalidu degto iyo weliba dalalka ay Soomaalida kusoo barakacday ee dunia daafaheeda.

52 sano guuradii 26 June ayaa munaasabado kala duwan loogu dabaal degayaa, waxaana jirto masuuliyiin Soomaaliyeed oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed maalintanaan qiimaha badan.

Raisalwasaarihii xukuumadii KMG Soomaaliya Dr Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo madaxweynihii dowladii lagusoo dhisay Carta, Jabuurti, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa labadaba ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed maalinta 26 June oo ay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya xoriyada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Xuska 26 June ee sanadkaan ayaa kusoo aaday xili ay socdaan wadahadalo u dhexeeyo dowlada FGKM Soomaaliya iyo Somaliland ayada oo aanay jirto rajo ah in midnimada Soomaaliya lasii adkeeyo islamarkaasna ay Somaliland qayb ka noqoto dowlada sal adag oo uu gayiga Soomaaliyeed yeesho 21 sano kadib.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply