LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

MAALIK OBAMA OO AY WALAALO YIHIIN MADAXWEYNE BARACK OBAMA OO ISKUSOO TAAGAYO XILKA GUDOOMIYE GOBOL DALKA KENYA.

Maalik Obama oo ay walaalo xaga aabaha ah yihiin madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama kana weyn da’ahaan madaxweyne Obama ayaa waxa uu iskusoo taagayaa xilka gudoomiyaha gobolka Siaya ee dalka Kenya.

Maalik Obama waxa uu sheegay inuu yahay musharax madax banaan xilka gudoomiyahana iskusoo taagayo.

” Gobolkaan kaabayaashiisa sida wadooyinka waa ay baa ba’sanyihiin, dadku waa faqiir waxaana u sabab ah hogaan xumo, haddii la i doorto waxbaan ka qabanayaa arimahaas oo dhan” sidaas waxaa yiri Maalik Obama oo ay walaalo yihiin madaxweyne Barack Obama.

Dadka reer Kenya ayaa 4ta bisha Maarso ee sanadkaan waxa ay soo dooranayaan madaxweyne cusub, xildhibaano iyo gudoomiye goboleedyo ama wakiilada gobolada sida uu qorshuhu yahay.

Dalka Kenya ayaa isku dayaya inaysan dib u dhicin midii ka dhacday dalkaas sanadii 2007dii xiligaasoo ay doorashadii dhacday sababtay muran aaqirkii keenay inay dhintaan boqolaal dad ah boqolaal kun oo kalena ay barakacaan.

Cabaas Guuleed oo ah madaxa hay’ada Laanqayrta cas ee dalka Kenya ayaa sheegay in bishii Agosto ee sanadii ina dhaaftay ee 2012dii ay ku dhinteen dalka Kenya ilaa 200 qofood sababo la xiriira doorashooyinka soo socda.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>