Thursday, June 20th, 2013

Maaba uungnee amee oogaasa? Sii akhri adaa yaabi doontide.

Dabcan in badan oo kamid ah aqristayaasha bogga baidoamedia.com waxa ay is weydiinayaan maxaa loola jeedaa ciwaanka ah Maaba uungnee amee oogaasa? balse ma dhib badna in Afka Soomaali Maxaatiriga loo rogo oo waxa ay noqonaysaa, Maba qaacine goormuu holcaa? taasoo loola jeedo dabka marka la shido marka hore waa inuu qaacaa kadibna holcaa.

Hadaba ma dab ayaan kaga hadlaynaa maqaalkani mise wax kale? Jawaabtu waa ay iska cadahay, waxaan ka hadlaynaa arin kale oo la mid ah dabka isaga oo aan qaacin holca.

Waa madaxda sare ee dowlada cusub ee Soomaaliya!! Markii ay doorashooyinka ka dhaceen dalka Soomaaliya ee la doortay gudoomiye cusub oo baarlamaan iyo madaxweyne lanasoo magacaabay raisalwasaare cusub, dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waa ay ku farxeen si weyna waa ay usoo dhaweeyeen ayaga oo sheegay inuu dalka Soomaaliya cagta saaray wadadii horumarka iyo nabada.

Dhamaan sadexda masuul ee ugu sareyso dowlada Soomaaliya waxa ay ballan qaadeen inay dalka horumarkiisa iyo nabadiisa ka shaqaynayaan isla markaasna ay wixii khilaafaad ah ee ragaadiyay dowladihii hore ee KMG ahaa iska dhowrayaan.

Taas bedelkeed waxaa muuqata inuu durba bilawday is afgarad la’aan ka dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raisalwasaaraha uu soo magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kaasoo ku saabsan tirada iyo sida loosoo xulayo wasiirada cusub ee xukuumada cusub ee Soomaaliyeed.

Wararka ka imaanaya Villa Somalia oo ah halka ay wada deganyihiin sadexda masuul ee dalka ugu sareyso ayaa sheegayo inuu xaalku yahay mid aan fiicnayn marka loo eego soo dhisida xukuumada cusub.

Madaxweynaha ayaa lagusoo waramayaa inuu soo jeediyay in golaha wasiirada laga dhigo 9 wasiir islamarkaasna uu isaga keensado wasiirada ugu muhiimsan sagaalkaas wasiir arintaas waxaa durba ka biyo diiday raisalwasaaraha oo sheegay inuu isaga u madax banaan yahay soo xulida wasiirada sidoo kalena 18 ama 14 aanay ka yaraan karin wasiirada.

Ilo ka ag dhow madaxtooyada waxa ay inoo sheegeen in mar is afgarad laga gaaray arintaas balse hadana waxaa soo baxayo warar sheegayo inay arintaas soo noqotay oo ay weli taagantahay.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo xulayay raisalwasaaraha waxa ay ku qaadatay 26 cisho taasoo ahayd mudadii ugu dheerayd ee uu madaxweyne Soomaaliyeed ku mashquulo soo xulista iyo magacaabista raisalwasaare.

Dowlada hada jirto oo rajo badan laga qabay ayaa u muuqato inuu wakhtigiiba si aan micno lahayn kaga dhamaanayo taasoo ka dhigayso dowlada mid fadhiid ah, amaanka guud ee dalka ayaa gacanta kasii baxayo ayada oo ay soo kordheen weerarada Xarakada Alshabaab ay geysanayso.

Waxaa jirto cabsi ah inuu mar kale ambassador Mahiga soo farageliyo arimaha hada socda haddii aanay masuuliyiinta dowladu xal ka gaarin dhexdooda.

Rajadii ummada Soomaaliyeed ay ka lahayd dowlada cusub ayaa u muuqato mid uu niyad jab ku imaan karo marka loo eego fadhiidnimada dowlada cusub iyo is haysadka dhexdooda.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply