Monday, May 20th, 2013

LO’DA IYO ABLA-ABLEYTEEDI.Barnaamijka Cilmiga Xanaanadda Xoolaha Qeybtii 4aad& Hassan Basha Ismael.‏

Qaar ka mid ah dalalka Afrikaanka ah iyo qaybo badan oo dunida ah ayaa ay beeraleyda lo’doodi ku dhexdhaqdaan xeryo halkii ay ka foofin lahaayeen si ay u soo daaqdo.

Habkan xoolaha dhaqashadda ah waxaa la yiraahdaa( XERO KU HAYN).lo’da habkani lagu dhaqdo waxaa lagu quudiyaa cawska la yirahdo “bal”kaas oo lagu dhexsiinayo xeryaha .dhaqashada lo’da ee noocani waa ay ku yer yiihiin dalkeena.

ABLA-ABLEYTA LO’DA SANTIIFIK AHAAN

kingdom Animalia
phylum chordata
class mammalian
order artiodactyla
family bovidae
Sub-family bovinae
genus bos
species Bos primigenius
Sub-species Bos primigenius indicas

 

 

SINJIYADDA LO’DA ADUUN :

 

Waxaa jiraa labo sinji oo lo’da ah ee aduunka waxey kala yihiin:

  1. Bos Taurus ama sheko(European type).

 

  1. Bos indicus(zebu).ama large African zabu ,waa  tan soomaalida dhaqato.

Haddba waxaan ka hadleynaa nooca (zebu) taasi oo nooceed aad uga badan yahay wadanka soomaaliya iyo wadanka aaynu jaarka nahay ee Ethiopia. ,waxaa jirtaa 75 sinji oo lo’da zubu loo yaqaabno .tan European ah waxaa laga helaa qaaradda yurub iyo wadanka suudaan  waxaa loo dhaqaadaa caano .

ASTAAMAHA LAGU GARANAYO LO’DA ZEBU

 

  • Waxey leeyihiin kukus(fatty humped)
  • Dhego dhaadheer
  • Cangule weeyn(large dewlap)
  • Waxey uurka sidaa 281 maalmood (gestation period).

 

Magacyadda lo’da soomaaliya

Waxaa loo yaqaana East Africa short horn(zebu).qeebaha zebu dalka soomaa waa afar qiibadood oo kala ah:-

·         Dawaara

·         Gasaara

·         Suruqo

·         Booran

 

Lo’da neefka labka ah waxaa la yiraahda “DIBI”( bull),oo aan la dhufaanin,kan dhediga ah waxaa la yirahdaa “SAC”.marka ay yaryeryihiin waxaa la isku dhahaaa wayl iyo Aalo.

 

SINJIYADDA LO’DA ZABU DAL ETHOPIA.

1.      Abyssinian short horn: waxaa laga helaa bartamaha dalka itoobya sida;Bale,Horor,shewa,Sidamo iyo dhulka hoose ee Ogadenia waxaan loo yaqaana Ethiopia higher land zebu.

2.      lo’da senga:waxey isugu jirtaa 3 qiibadood dalka Itoobiya:Abigar,Danakil iyo Raya-Azebo.

3.      lo’da zenga(the zengo cattle):waxey isug jirtaa 3 qiibadood oo kala ah :Arado,Fogera,iyo Herarro.

Arado waxey ku badan yihiin waqooyiga Sire,Adwa, iyqiiba kamid ah “Agame” gobalak Tigrey

 

UJEEDOOYIKA LOO DHAQDOO LO’DA

Ujeedooyinka loo dhaqdo  lo’da waxay ka la yihiin:-

1.      caano ahaan

2.      hilib ahaan

3.      sida qodashadda beeraha

4.      qaar loo dhaqdo labo ujeedo hilib iyo caano

 

waxa lo’da qaar loo dhaqdaa si loo  maalo iyo si looga helo badeeco caaneed

sida subaga iyo burcadka.lo’daas waxaa ka mid ah(Firishiyaan,dawaara iyo jersi).

Kuwa helibla loo dhaqdo waxaa ka mid ah( Booraan, iyo Aberdeer Angos).

Kuwa loo dhaqdo hilib iyo caano waxaa ka mid ha (Suruqo iyo gasaare).

 

 

  Hassan Basha Ismael

      Bashaa03@hotmail.com

       BURAO-TOGDHEER.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply