Monday, May 20th, 2013

Libya oo xayiraadii ka qaaday xisbiyada ku saleysan diinta.

Libya ayaa ka qaaday mamnuucid ay horay u mamnuucday xisbiyada ku dhisan qaab diimeedka, khabiilka iyo weliba heybta sida uu sheegay sarkaal katirsan golaha KMG dalka Libya ee loo yaqaano NTC ayada oo uu dalku isku diyaarinayo doorashooyinka xildhibaanada dalkaas ee dhici doona bisha June ee sanadaan 2012.

Golaha KMG qaranka ee Libya oo hada ka arimiya dalka Libya ayaa waxa uu shalay oo Arbaca ah soo saaray dhowr sharci oo ay ku jirto wax ka bedelid lagu sameeyay qodob isbuucii lasoo dhaafay lasoo saaray oo ahaa inaanay kooxaha qaab diimeedka ku dhisan ka qaybgeli karin doorashada.

Sharciga kooxa Islaamiyiinta ah ka hor istaagayay inay ka qaybgalaan doorashooyinka dalka ka dhacayo ayaa waxa uu aad uga careysiiyay kooxahaas oo awood ku dhex leh dowlada hada kajirto dalka Libya ee KMG ah.

Libya waxa ay u dareeri doontaa bisha June doorashooyinkii ugu horeeyay tan iyo markii la afgembiyay hogaamiyihii la dilay ee dalkaas ee Mucamar A-Qadaafi.

Baarlamaanka cusub ee ay Libya yeelanayso oo ka koobnaan doono 200 xubnood ayaa 80 kamid ah loo qoondeeyay xisbiyada kala duwan ee dalkaas halka inta soo hartayna loogu talagalay musharixiinta madaxa banaan ee aan xisbina ka socon si ay dadku codkooda ugu doortaan musharaxa ay jecelyihiin.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.