Sida uu soo sheegayo wariyaha shabakada warbaahinda baidoamedia.com ee magaalada Baydhabo, dabley hubeysan ayaa waxa ay goor dhawayd dil ugu geysteen gudaha magaalada haweenay shaah ku iibin jirtay magaalada gaar ahaan xaafada Berdaale, suuqa digaaga lagu kala iibsado.
Haweenayda ayaa waxaa dilay sida ay wararka sheegayaan rag wejiyada soo duubtay oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab, sababta loo dilay haweenaydaas ayaa lagu sheegay inay biibito ay halkaas ku lahayd shaah ka cabi jireen ciidamo katirsan dowlada KMG Soomaaliya.
Dhanka kale rasaastii loo waday haweenaydaas ayaa waxaa ku dhaawacmay nin dalaal ahaa oo isna fadhiyay biibitada.
Kooxihii dilka geystay ayaa durba iskaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay oo ah suuqa digaaga ee magaalada Baydhabo.
Dhawaanahaan ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Baydhabo dilal ay geysanayaan kooxo aan haybtooda la garanayan kuwaasoo inta badana lagula kacayo dad rayid ah.
Dilka maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadayo xili uu gudoomiyaha gobolka Bay mudane Cabdifitaax Ibraahim Geeseey oo ka qaybgalayay barnaamishka ”Dadoow Doodnooy” uu sheegay in amaanka magaalada ay gacanta ku hayaan islamarkaasna cida dilalka mararka qaar geysatana yihiin ciidamada Xarakada Alshabaab oo weli ku sugan deegaanada qaar ee gobolka Bay.
Wixii faah faahin ah ee kusoo kordha dilka ka dhacay magaalada Baydhabo kala soco shabakada warbaahinta baidoamedia.com haddii uu Alle ogolaado.
Xafiiska war qabadka baidoamedia.com
ee magaalada Baydhabo.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com