Laba wiil oo dhalinyaro ah oo wada socday ayaa maanta duhurkii dil loogu geystay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ayada oo ay goobta uu dilku ka dhacayna soo buux dhaafiyeen ciidamo milatari ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Dilka wiilashaan ayaa waxaa geystay rag bistoolado ku hubeysnaa kuwaasoo durbadiiba ka baxsaday halkaas.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayay tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii lala beegsaday madaxweynaha cusub ayada oo ay xalay un ahayd markii dil loogu geystay degmada Waabari xildhibaan katirsanaa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya sidoo kalena ahaa sodoga madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Markii dilka loo geystay wiilasha labada ahaa ayaa ay ciidamadii dowlada ee soo gaaray goobta waxa ay xir xireen tiro dad ah oo lala xiriirinayo dilka wiilashaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com