Laad iyo feer laysla dhaco oo loogu dabaaldego sanadka cusub ee dalka Peru. (Daawo Fiidiyowga)

<

Dunidan aan ku noolnahay, dadkastaba waxa ay leeyihiin caado iyo dhaqan u gaar ah, hadaba dalka qaarada America ku yaala ee Peru ayaa ay dadku goob fagaara ah iskugusoo baxaan si ay ugu dabaal degaan sanadka cusub dhalashadiisa, balse si ka duwan sida caadiga ka ah dalal badan ee caalamka oo ah in farxad lagusoo dhaweeyo sanadka cusub ayaa ay dadka reer Peru laad iyo feer isla dhacaan ayaga oo tartan noocaas ah ugu dabaaldega curashada sanadka cusub.

Gobolka inta badan laga yaqaano dhaqanka noocaan ah ayaa ku yaalo dhanka koonfureed ee dalka Peru ayada oo ay ragga iyo dumarkuba si islamid ah uga qayb qaataan dagaalka gacan kahadalka ah kaasoo qofka marka lala tuuro ee laga awood badiyo dhulkana uu ku dhaco uu tartanku dhamaanayo.

Waxyaabaha ugu daran ayaa waxa ay tahay inaysan jirin wax dhar ama khalab ah oo ay xiranayaan dadka dagaalamaya balse isku haysta inay tartamayaan, dadka ayaanay jirin meel ka reeban oo ay wax iskaga dhufan karaan, gacanta iyo lugtuna waa kuwo wada socda oo meeshii lala helaba ku dhacayo.

Mid kamid ah garsoorayaasha tartanka dhiiga badan ayaa waxa uu sheegay inuu habkani yahay mid lagu xaliyo qilaafaadyada iyo iskasoo horjeedida dadka ay cuqdada ka dhexayso.

Hoos ka daawo fiidiyowga.

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID